Maamulka G. Banaadir oo sheegay in ay la wareegeen Xarunta degmada Wardhiigleey.

Maamulka Gobolka Banadir ayaa shaaca ka qaaday in ay maleeshiyaadka dowladda ka soo horjeeeda kala wareegeen xarunta degmada Wardhiigleey oo ay horay ugu sugnaayeen.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Cariig oo warbaahinta  u waramay ayaa sheegay in maamulku degmada iyo kan gobolkuba ay maanta shirk u yeesheen xarunta degmada, isagoo sheegay in degmada laga bilaabay howlo nadaafadeed oo dhirta looga jarayo halkaasi.

Afhayeenka ayaa sheegay in maanta shir ay ku yeesheen xarunta degmada kaas oo ku saabanaa sidii loo xoojin lahaa amaanka degmada, looguna guntan lahaa xureynta goobaha degmada ka tirsan ee maleeshiyaadku heystaan.

Kulankaas oo ay shir gudoominaysay gudoomiyaha degmada Wardhiigleey deeqo C/qaadir Axmed ayaa  sidoo kale looga hadlay sidii loo furi lahaa wadooyinka degmada ee ay maleeshiyaadku boholaha ka qodeen.

Afhayeenka maamulka Gobolka banaadir Maxamed C/laahi Cariig ayaa sheegay in talaabadi ay qeyb ka tahay dadaalada ay maamulka gobolku dib ugula wareegayaan dhamaan degmooyinka Gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in dhawaan meelo kale ay ciidamada dowladda gaari doonaan.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s