Salah Hashi Arab iyo Abdirisak Osman juurile oo u Cad Cad Xilka Raysulwasaaraha Soomaaliya

Tan intii uu madaxwayne sheekh shariif uu kala diray xukuumadi uu raysulwasaaraha ka ahaa cumar abdirishiid cali sharmaarke ayaa waxa soo baxaayey  warar is khilaafsan iyo aragtiyo kala duwan oo ay shacabka soomaaliyeed ka bixinayaan cida uu madaxwaynuhu u magaacaabi rabo raysulwasaraha dawlada soomaaliya inkastoo ay jiraan masuuliyiin iyagu doonayo inay q ataan xilka raysulwasaraaha soomaaliya.
hadaba wepka all casayr oo arintaas u guurgalay isaga oo xiriir badan la sameeyey masuuliyiin badan ayaa waxaa ka mid ah masuuliyiinta ugu cadcad ee la filayo inay qabtaan xilka raysulwasaare ayaa waxa ka mid ah mudane Salah hashi arab oo ah runtii masuul caan ka ahaa soomaaliya
waxa uuna waxbarshadiisa hoose iyo sare ku qaatay caasimadii Soomaaliya ka dibna waxuu koorso u aaday dalka rushka ku saabasan akedimyada ciidmada bada markuu dib ugu soo laabtay dalkana waxuu ka hawal bilaabay ciidankii bada somaaliya isgaoo kaalin lama ilaawaan ah ka qaatay tababarkii ciidmada isagoo turjumay buugaag cilmiga bada ku saabsanaa oo afsoomaali ka dhigay taasi oo ay aad uga faaiisteen ciidamadii bada Soomaaliya.

Salah hashi arab waxa uu xilal badan ka so qabtay maamulda soomaaliya ka dhisan sida maamulka soomaaliland iyo maamulka puntland isaga oo lagu amaano inuu wax qaban kaga qaybqaatay xaga amaanka labadaas maamul ee soomaaliyeed isaga oo ka soo qabtay xilal sare salah ayaa hada ah qoraa ku nool dalka jabuuti.

Hada ka hor waxuu soo saaray qaamus afsomali  h oo ka kooban 40kun oo eray kaasi oo wax la taaban karo ku soo biiriyey afkii soomaaliga waxaan Daabacad ku tabarucay Madaxweynha Dalka jamhuuriyda Djibouti oo inta badan ku hawlan inuu daba qabto korna u qaado qoraalada wax tarka u leh bulshada Somaaliyeed.
Saalax waxa uu hada soo afmeeray shan buug oo ku soo kordhin doona bulshaad ku hadasha afka soomaaliga aqoon dheraad ah oo ay ka helaan macluumaad qotto dheer leh.
Waxaan ka mid ah buugtaasi:-

1 Qarantaab waa buug ka kooban suugaan kala jaad ah oo uu ku hawlanaa mudo shan sano ah.
2 Daraasada Saafida Eray Soomaaliaga oo ah buug ka hadlaaya xeeraraka sarifaya Af soomaaliga.
3 Araweelo waa Buug Riwaayadna ah oo qoruhu kaga sheekeeynayo Boqoradii araweelo oo ka talin jirtay dhulkii uduga ama Puntland dhowr kun oo sano ka hor.
4 Siraha Jacaylka oo ah buug ka hadalaya duruufha aduunka iyo dadka wax gumeeysat iyo kuwa la gumeeysto jaceylkoda
5 Wanqalkii Nabsiga oo ah buug ama Riwaayad kus alasan nabsiga harka labdiisa gelin ah

hadaba salah hashi arab ayaa la filayaa inuu yahay masuulka ugu cadcad inuu qabto xilka raysu;wasaaraha soomaliya oo la filayo inu dhowaan madaxwaynuhu ku dhawaaqo midowga africa dawladaha reer galbeedka iyo maraykanka ayaa u arka mr  Salah hashi arab inuu yahay masuul ka bixi karo xilkaas isaga oo taageero ka haysto shacabka soomaaliyeed gaar ahaan maamulka puntland oo uu ka soo jeedo
dhanka kale madaxwaynaha dalka jabuuti oo isaga ah masuul u adeega umada soomaaliyeed jecelna midnimada soomaaliya ayaa isaga aaminsan in mr Salah hashi arab uu yahay masuul ka soo bixi xilkaas isaga oo sheegay in ay xiriir wada lahaayen intii uu ku noola dalka jabuuti.
Dhinaca kale iyadana xaa jira warar sheegaya in xildhibaan abdirisaaq cusmaan juurile uu isagana yahay masuulka labaad ee u cad cad inuu qabto xilka raysulwasaare mr Juurile ayaa isagana taageero ka haysta beesha caalamka isaga oo xilal badan ka soo qabtay xilal dawladihii soomaaliya waxa uuna ahaa wasiirkii iskaashiga iyo xiriirka caalamiga dawladii uu madaxwaynaha ka ahaa madaxwayne Abdullaahi yuusuf ahmed
xilkaan ayaa noqonaya mid uu madawaynuhu u magaacaabi doono beelaha ka soo jeeda waqooyi bari soomaliya ee puntland iyada oo labadaas mas.uul ay ka soo jeedaan gobolada waqooyi bari ee soomaaliya iyada oo ay keni karto magcaabista labadaas ma,uul midkood in dawladu ay teegeero ka hesho maamulka puntland.

Eng abdalla mohamed mohamuiud
dorogbo5@hotmail.com
allcasayr.com

3 Comments

Filed under NEWS

3 responses to “Salah Hashi Arab iyo Abdirisak Osman juurile oo u Cad Cad Xilka Raysulwasaaraha Soomaaliya

  1. ilaahay ha unaxariisto

  2. abdirizak jama baal baal

    Saalah haashi arab waa nin u dhashay gobolad puntladn runtiina waa aqoonyahan aad iyo aad caan waana qoraa kamid ah qorayaasha dalka soomaaliya ugu waa wayn waxaa uu ahaan jiray agaasime guud xaga xeebaha iyo militariga bada.
    waaxaana leeyahay hada saalah hashi ha iku qaban jago soomaaliyeed inta la helayo dowlad loo dhanyahay hana isku galin siyaasada maanta waa reer reer marka sug jaaniskaaga uu shaqaynayso

  3. Saalax xaashi carab waa siyaasi uqalma inuu noqdo reysal wasaare kartina uleh hooshaas waxaan aamin sanahay aniga ahaan inuu noqon karo isagoo buuxin kara waajibaadka looga baahan yahay waana nin udhashay beesha iskaleh reysal wasaaraha aqoonteedana leh kartidee dana leh

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s