Gollaha Baarlamaanka oo kulmaya iyo Cabsi laga dareemayo Suuqa Bakaaraha

War goor dhoweyd soo baxay ayaa sheegaya in kalfadhi uu baarlamaanka ku yeelan doono Xarunta Golaha Shacabka, iyadoo saameynta kulankan laga dareemay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Kulanka Baarlamaanka ayaa la ogeyn waxa looga hadli doono, waxaana la dhowrayaa in kulanka uu shir gudoomiyo Gudoomiyihii KMG ee dhowaan ay doorteen Xildhibaanada, kaasoo ah xildhibaanka ugu da’da weyn. Kulankaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay yeeshaan ka gadaal is casilaadii  Gudooymihii hore Aadam Madoobe

Dhanka kale,  Suuqa Bakaaraha ayaa goor dhow waxaa ka bilaabatay cabsi ku aadan kulanka baarlamaanka, iyadoo si tartiib tariib albaabada la isugu laabay goobaha ganacsi ee saaka sida caadiga ku furmay.

Dadka reer Muqdisho ayaa lama filaan ku noqotay Kulanka Baarlamaanka, iyadoo wali dadka ay yihiin kuwo dhegahooda ka guuxeyso tii dhacday maalinimadii axadii oo fadhigii baarlamaanka horseeday geeri fara badan.

Wixii ku soo kordho kala soco wararkeena dambe

Hoyga wararka Somaliyed
www.allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s