Ciidamo Somali ah oo ay Weheliyaan kuwo Itoobiyaan ah oo Xalay qabsadey Ceelbarde

Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool oo ay gacanta ku haysay muddo laba todobaad ah Xarrakatul Shabaab ayaa waxaa xalay la wareegay ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah oo kasoo talaabay Xuduudda.

Wararka ayaa sheegaya inaysan jirin wax dagaal ah oo ka dhacay degmadaas, ayna isaga baxeen ciidamadii Xarrakatul Shabaab ee ku sugnaa, lana jaray isgaarsiinta, iyadoo gudaha degmada ay ku sugan yihiin ciidamadii la wareegay.

Guddoomiyihii Gobolka Bay ee Dowladda Soomaaliya C/fitaax Maxamed Geesey oo saxaafadda la hadlay ayaa xaqiijiyay in degmada Ceelbarde ay gacanta u gashay ciidammo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira, ayna xaaladeeddu daggan tahay.

Saraakiil Xarrkatul Shabaab ka tirsan oo ku sugan Gobolka Bakool ayaa iyaguna sheegay in ciidamadooda ay kasoo baxeen degmada Ceelbarde shalay gallinkii dambe ayna xalay la wareegeen ciidamo ka kooban Itoobiyaan iyo Soomaali.

Waxay saraakiishan sheegeen in ciidamadooda ay ku sugan yihiin deegaan ku dhow degmada Ceelbarde ayna qorsheynayaan inay weerarro ku qaadaan si ay dib ugu qabsadaan, iyagoo aan sheegin xilliga ay weerarka qaadayaan.

Degmada Ceelbarde oo ah degmada keliya ee ay Dowladda Soomaaliya gacanta uga haysay Gobolka Bakool ayaa waxay gashay xaalad is-jiid-jiid ah, iyadoo labadii bilood ee ugu dambeeyay ay kala qabsadeen dhinacyada iskasoo horjeeda.

Hoyga wararka Allcasayr

www.allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s