Magacaabista Gobolka Casayrland oo Si Xowli ah Usocota‏

Muddo haatan laga joogo 9 bilood ayuu maamulka Puntland hadal hayey in Lamagacaabo Gobolka Casayrland, Waxaa Xafiiska Madaxwaynaha ka soo baxay Digreeto Lambarkeedu ahaa Lr. 38 oo lagu magacaabay Guddoomiyaha Maxakamadda Degmada Caluula Maxamed Axmed Shaanle Magacaabistaas Ayaa iftiimisay soo dedejinta in la Horgeeyo Golaha wasiirada si ay cod ugu qaadaan Gobolka Casayrland, Dhammaan Degaanada Casayrland ayaa aad looga soo dhoweeyey arrintan.

Xiriir aa la sammeeyey shaqsiyaad ka agdhow Madaxtooyada oo Casayrlander ah ayaa ii xaqiijiyey in ay meel wanaagsan mareyso magacaabista Gobolka Casayrland, Xilliga uu safarka ka soo laabto Madaxwayne Faroole uu Golahiisa wasiirada horgeyn doono Si ay cod ugu qaadaan.

Sanadkii 2002 ayey aheyd markii uu Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Faarax dooxajoog uu Madaxtooyada P/land ku xareeyey Document ka tarjumaya magacaabista Gobolka Casayrland waxaa arrintaas is hortaag ku sammeeyey shaqsiyaad diidan horumarka P/land gaar ahaan gobolka Casayrland, Maadaama Gobolka Casayrland uu Ka mid yahay Gobolada ugu dhaqaalaha badan P/land ama la oran karo waa Gobolka koowaad.

Magacaabistan Gobolka Casayrland ayaa imaneysa xilli ay aad ugu mashquulsan yihiin Isimada Gobolka soo xulista Guddoomiyaha iyo Ku xigeenadiisa iyo Laamaha ammaanka si loo dedejiyo Ku dhowaaqista Gobolka, Mid ka mid ah Siyaasiinta  gobolka oo aan Xiriir la sammeeyey ayaa ii xaqiijiyey in ay meel wanaagsan umareyso soo xulista Madaxda gobolka.

Said jama
allcasayr.com

3 Comments

Filed under NEWS

3 responses to “Magacaabista Gobolka Casayrland oo Si Xowli ah Usocota‏

  1. ari boowe maxaa kala wadaan casayrku muxuu yahay ma mamul ka madax banan miyaa buntlan mise waaa waa gobal mxaa caluula waa gobalka bari e maxaa siya bal shekada fahankeeda isiiya

  2. Farax Dooxajoog

    Waa war lagu farxo, waxaan ilaah ka rajeyneynaa
    in ay run noqoto arintaas, waxaan ku adkeynayaa in ay kuntiga u xirtaan qaybahan bulsha ee reer casayr.

    * Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin
    * Wasiirka beesha Xasan Cabdi maxamed
    * Gudoomiyaha barlamaanka Salaad Xareed
    * Ururka dhalinyarada casayr region
    * ururka Haweenka Casayr region
    Web-sidka All Casayr- waxaan dhihi karaa wuxuu mudan yahay bilad dahab ah, waxaan leeyahay, qabiiloba duryaadka u kacay door ku noqotaa, iftiin baad u shideen daka iyo degaanka, hakaa ka wada ha ka daalinina howshaa dahabiga ah, kan xun dheg ha jalaqsiin, waani dhinacwalba wax ka tus. Bulshada degaanka Casayr, fadlan wax la qabta dhalinyarada firfircoon oo shaqada muhimka ah inoo heysa, G U U L E Y S TA.
    Salaama calaykum
    Farax Dooxajoog

  3. yes it is good to be a supered.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s