WAR DEG DEG: Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay in ay dhacday Xukuumada, xilli uu awoodi waayay inuu shir gudoomiyo kalfadhiga baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa daqiiqado ka hor ku dhawaaqay in ay dhacday Xukuumada Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, kadib markii isagoo careysan uu ka soo baxay Xarunta Golaha Shacabka.

Aadan Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa waxaa uu sheegay in Xukuumada ay gebi ahaanba dhacday, isla markaana Madaxweynaha laga doonayo inuu soo magacaabo Ra’iisul Wasaare cusub.

“Xukuumada gebi ahaanteed waa dhacday, markeedii hore waxay aheyd in ay soo weydiisato Kalsooni, laakiin dhamaan xildhibaanadii ka qeyb galay waxay u codeeyeen in Xukuumada ay dhacday”ayuu yiri Aadan Madoobe oo maanta awoodi waayay inuu shir gudoomiyo kulanka Baarlamaanka.

Aadan Madoobe ayaa sheegay in markii saxaafada banaanka loo saaray xildhibaanada kulanka ka soo qeyb galay oo gaaraya in ka badan 300 xildhibaan ay u codeeyeen jiritaanka Xukuumada, oo ay isku raaceen in ay dhacday Xukuumada.Kulankan oo ku dhamaaday buuq iyo sawaxan ayaa waxaa Aadan Madoobe garbihiisa isku buuxiyay Ciidamada AMISOM iyo kuwa booliska, oo ka cabsi qabay in loo gacan qaado, waxaana madasha ay aheyd maanta mid aad u qasneyd.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa qaarkood ku qeylinayay hal ku dhigyo ka dhan ah Aadan Madoobe, halka kuwa kale ay difaacayeen, waxaana inta hartay aheyd in Xildhibaanada ay gacan isu qaadaan.

Fadhiga Baarlamaanka ayaa lagu kala dareeray buuq iyo sawaxan, waxaana jirin wax natiijo ah oo laga gaaray, waxaana saxaafada ay ka aheyd mid dibad joog ah, inkastoo markii buuqa bilaabanayay ay goob joog ahaayeen.

Lama oga sida ay sharci ku ahaan doonto hadalka Aadan Madoobe ee ah in ay dhacday Xukuumada, iyadoo Baarlamaanka wali yahay mid kala qeybsan isla markaana Gudoomiyaha Baarlamaanka qudhiisa uu muran ku jiro xilkiisa.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s