Kalfadhigii Baarlamaanka oo buuq iyo sawaxan ku furmay, Xildhibaanada oo ku orinaya Aadan Madoobe

Kalfadhigii Baarlamaanka Soomaaliya oo ka furmay Xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa hareeyay buuq iyo sawaxan ay bilaabeen Xildhibaanada ku kacsan Aadan Madoobe ee ka soo horjeeda jiritaankiisa.

Sida ay wararku sheegayaan Xildhibaanada ayaa ku orinaya Aadan Madoobe, iyagoo ku qeylinaya DOONI MEYNO Aadan Madoobe iyo erayo ay ku muujinayaan in ay dhamaatay waqtigiisa.

Xildhibaanada oo badankood isku meel wada fadhiya ayaa jaanta isla helaya sacab iyo foori, waxaana xaruntii Baarlamaanka mar kaliya isu badashay goob shineemo ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo mar isku dayay, inuu Mikrafoonka ka hadlo ayaa laga hor geeyay buuq iyo sawaxan, taasoo keentay in ay xildhibaanada ay dheg jalaq u siin waayeen hadalkiisa.

Kulanka ayaa wali socda, waxaana Ciidamada AMISOM oo ku sugan gudaha ay hareeraha ka waardiyeynayaan Aadan Madoobe, waxaana la soo sheegin wax gacan ka hadal ah oo ka dhashay.

Wixii ku soo kordha insha ku haaya llcasayr.com

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s