Yubbe oo Askari Somaliland ku dhintay

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Yubbe ee Cidhifka Sanaag ayaa sheegaya in Hal Askari uu Saaka ku dhintay Magaalada Gudaheeda kaasi oo ka qayb qaadanayay Olalaha Doorashada Somaliland, Ruux Ceerigaabo Nagala soo xidhiidhay ayaa sheegaya in Rabshado Gaaban ay Saaka Magaalada Hadheeyeen kuwaasi oo lagu diidanyahay Doorashada Somaliland ee la Filayo inay qabsoonto dhamaadka Bisha Juun ee  Fooda inaku soo haysa.

Ninka dhintay ayaa la sheegay inuu ahaa Askari Ilaalo ka hayay Xarun Diiwaan Galin laga wada isla Gudaha Yubbe ee Sanaag waxana dadka ay Taayiro ku Gubeen Gudaha iyo Wadooyinka Magaalada dhex Mara.

Dhanka kale Magaalada Damala Xagare ayaa laga soo sheegayaa in Diiwaan Galinta laga Bilaabay qaybo ka mid ah Magaalada in kastoo inta badan shacabka Damala Xagare iyo Carmale ay aad uga soo Horjeedaan waxa loo Yaqaan Somalidiidka Hargaysa Xarunta ku leh.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Badhan ee Xarunta Labaad ee Sanaag ayaa sheegaya  in Saldhigii ciidan ee dhanka Puntland aad Moodid inuu sii Diciifayo ka dib Horjooga Ciidamada Sanaag ee  Dabmle  C/laahi Cashuur uu yahay Nin ah Beerka Jecli Xaydha Jeceli.

xigasho Galgalanews

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s