Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya oo xariga ka jaray Howlkii shirarka ee Guriga Umadda.SAWIRRO.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta xariga ka jaray Hoolka Shirarka ee Xarunta Golaha shacbiga, halkaasoo lagu wado inay berry ku shiraan Mudaneyaasha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo shaaciyay inuusan baaqan doonin fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Md.Sheekh Aaden Maxamed Nuur Madoobe oo Qeybaha kala duwan ee Warbaahinta kula hadlay Hoolka Shirarka ee Xarunta Golaha Shacbiga Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahy in dib loo furo Muddo 20-sano ah kadib Xarunta Golaha Shacbiga, islamarkaasna ay fariistaan Mudaneyaasha Baarlamaanka, isagoo carabka ku dhuftay in Maalinta Berito ay bilaaban doonaan Fadhiyada Baarlamaanka maadaama uu 22-kii Bishii December uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sh.Shariif Sh.Axmed uu furay Kal Fadhigii 10-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sidoo kale tilmaamay inuu Xildhibaano ka tirsan Baarlamaaanka uu soo kala dhex galay Buuq islamarkaasna la soo afjari doono, isagoo hoosta ka xariiqay in Xildhibaan kasto uu Fikirkiisa xor u yahay inuu la horyimaado fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya.

Sheekh Aaden Madoobe Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka codsaday Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya in ay ogaadaan Nidaam loogu talo galay in lagu xaqiijiyo Ammaanka, islamarkaasna loo baahan yahay in Xubin waliba oo ka tirsan uusan soo qaadan Hub iyo Teleefannada maadaama uu sheegay inaan weli la dhameystirin Meelihii loogu talo galay.

Waxa uu Guddoomiyuhu hoosta ka xariiqay in Kulanka Barlamaanka uu furmayo Maalinta Berito 10-00-ka Subaxnimo, islamarkaasna lagu kala qaadan doono warbixin maadaama uusan in mudo ah shirin  Baarlamaanka Soomaaliya.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s