Gudoonka Baarlamaanka oo iclaamiyay waqtiga kama dambeysta uu furmayo kalfadhiga Baarlamaanka

Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta mar kale iclaamiyay waqtiga kama dambeysta ah ee uu furmayo Baarlamaanka Soomaaliya, kadib kulan maanta ay yeesheen Gudiyada Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe ayaa sheegay in kalfadhiga baarlamaanka inuu furmi doono maalinta axada oo ku beegan 16-ka bisha May, isagoo ugu baaqay Mudanayaasha Baarlamaanka in ay soo xaadiraan.

“Markii ay inoo soo gudbiyeen Gudigii dayactirka Golaha shacabka, in dhamaan wixii howl ah la dhameeyay, waxaan go’aaminay inaan Maalinta axada uu furmo Kalfadhiga Baarlamaanka”ayuu yiri Aadan Madoobe oo wariyeyaasha kula hadlay Xafiiskiisa.

Kalfadhiga Baarlamaanka ayaa inta la og yahay waxaa uu dib u dhacay muddo afar jeer oo ay kala iclaamiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Kuxigeenkiisa, hase ahaatee kalfadhiga soo socda ayaa la ogeyn sida uu ku qabsoomi karo.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa xilligan ku kala qeybsan mudada Gudoonka Baarlamaanka, waxaana in ka badan 100-xildhibaano ay shaaciyeen inuu dhamaaday waqtigii Gudoonka Baarlamaanka.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s