Axmed Madoobe oo isaga baxay Xisbul Islaam, dibna u unkay Raaskambooni

Sheekh Axmed Madoobe oo ahaa Sarkaal ka tirsan Xisbul Islaam ayaa shaaca ka qaaday inuu ka baxay ururkaas, kadib markii uu ka waayay hiil iyo hoo, isagoo dib u aas aasay Mucaskarkii Raaskambooni ee horay uga mid ahaa afartii garab ee ku midoobay Xisbul Islaam.

Kulan maalmihii la soo dhaafay uga soconayay Axmed Madoobe iyo taageerayaashiisa ayaa waxay ugu dambeyn ku go’aansadeen in ay isaga baxaan Xisbul Islaam, isla markaana ay dib dhisaan Mucaskarkii Raaskambooni.

Afhayeen u hadlay Kooxdan cusub oo lagu magacaabo C/casiis Xasan Cabdi ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu yahay Hogaamiyaha Mucaskarka Raaskambooni, isla markaana wixii haatan ka dambeeyay ay ka baxeen Xisbiga.

“Sababaha aan uga baxnay Xisbiga waxaa uga weyn anagoo aan ka weynay garabkii aan ka sugeynay, iyo in Hogaamiyaha Xisbiga Xasan Dahir uu mar walba dhaho walaalaha Shabaab”ayuu yiri Afhayeenkan oo ku eedeeyay Xasan Dahir inuu Shabaab walaashado bedelkii ay xisbiga ku wadaan qaarijin.

Afhayeenkan ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Shabaab, wuxuuna xusay in Mucaskarkooda uu haatan ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Gobolada Jubooyinka.

Mucaskarka Raaskambooni gaar ahaan Xasan Turki waxaa uu dhowaan sheegay inuu ku biiray Shabaab, taasoo keentay in Xisbul Islaam ay kala dhantaalmaan, waxaana ilaa iyo hada jirin war ka soo baxay Hogaanka Xisbul Islaam.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s