Madaxweynaha Puntland oo Maanta siweyn loogu soo dhaweeyay Garoowe

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe xarunta gobolka Nugaal ahna caasimada Dowlada Puntland isagoo ka kicitimay magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso oo uu maalmihii ugu dambeeysay ku sugnaa.

Madaxweynaha ayaa waxaa siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe iyadoo meel 20Km u jirta magaalada Garoowe iyadoo ay soo dhaweeynayeen masuuliyiin sar sare oo uu horkacayay madaxweyne kixigeenka Puntland Gen C/samad Cali shire .

Ka dib soo dhaweyn iyo ganac qaadis balaaran waxaa madaxweynaha loo soo gelbiyay dhanka iyo madaxtooyada Puntland halkaas oo uu ku nastay islamarkaana saxaafada uguga waramay arimo dhowr ah oo ku aasan safaradiisii iyo xaalada Puntland ee iminka.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn u mahad celiyay soo dhoweynta balaaran ee loo sameeyay waxaana uu ka hadlay arimo badan oo ka mid aheyd safaradiisii dibada waxaana uu sheegay in ay sidii la rabay ugu soo dhamaadeen .

Waxaa uu sidoo kale ka hadlay xaaladaha kala duwan ee amaanka Puntland, gaar ahaana falalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee puntland siiba boosaaso, waxaana uu sheegay in uu amaanku yahay lama huraan in laga ilaaliyo waxii khasaaya .

Waxaa uu carabka ku dhuftay madaxweynaha hadalo dhowaan isimo ka tirsan kuwa gobolka Bari Puntland ay saxaafada siiyeen, kuwaas oo ku aadanaa xaaladaha amaanka iyo bulshada in ay dowlada ka gaabisay , uu ku tilmaamay madaxweynugu in ay arimahaasi yihiin kuwo aan la qaadan Karin dadka iyagu hadakadaasi yirina ay yihiin kuwo aan ka fikireyn danta iyo xasilinta amaanka, waxaana uu ku tilmaamay dad iyagu la soo diray .

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen C/samad Cali shire waxana uu siweyn uga hadlay arimaha Amaanka, I sagoo sheegay in xasilinta amaanka ay tahay mid muqadis ah loona wada istaago sidii loogaga hortagi lahaa cidii wax u dhimeysa.

Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha Puntland oo markale hadalkii ku laabtay ayaa waxaa uu sheegay in dhowaan uu safar uga ambabixidoono dalka Turkiga halkaas oouu ka dhacayo kulan looga hadlayo arimo badan oo dan u ah Soomaaliya iyo Puntlandba siiba Burcad badeeda.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s