Xukuumada Pland ma waxaa loo soo dhisay inay nabada ka shaqayso mise inay iska horkeento isimada pland?

Shir ay maanta isugu yimaadeen isimo ka tirsan ismada beelaha daga gobolka bari kuwooda ugu culus iyo xubno ka socda xukuumada pland ayay isimadi halkaas isugu yimi ku dhaleeceeyeen baaq  ay soo saareen shalay isimo kale oo iyaguna ka mid ah isimada gobolka bari baaqaas ayaa ah in xukuumada pland ay ku guuldaraysatay sugida amaanka ayna dhaleecaynayaa .

Kala durugsanaanta  isimada  iyo khilaafka soo kala dhexgalay ayaa ah mid ay masuuliyadeeda leedahay xukuumada taagta yar ee haatan ka jirta pland oo ah mid ku fashilantay amniga deegaanada pland gaar ahaan Boosaaso oo ah maagalo madaxda dhaqaalaha ee maamul goboleedka pland .

Waxa Ka soo cusboonaaday deegaanada pland  amni daro tan iyo marki uu xilka la wareegay madaxwayne Faroole waxayna dadka siyaasada falaqeeyaa lee yihiin Faroole waa ku guuldaraystay hogaaminta maamulka pland waxa uuna had iyo jeer soo saaraa eedaymo uu u jeedinaayo meelo kala duwan sida ciidamada PISta iyo dadka barakacyaasha ah ee u soo barakacay deegaanada pland oo uu ku eedeeyo amni darada  inay masuuliyadeeda leeyihiin .

Khilaafkaan soo kala dhex galay isimada gobolka bari ayaa ah midki ugu xumaa abid madaama hada ay isamadu ku kala aragti duwan yihiin arinka ah amni darada soo wajahday deegaanada pland  oo isimada qaybi leeyihin  waxaa sabab u ah habacsanida xukuumada pland halka kuwa kalena aysan aminsanayn arinkaas .

Masuuliyiinta sare ee xukuumada oo iyagu xusuldoob ugu jira in ay dhaleecayntaas iska moosaan ayaa ah kuwo hadba meel ku dhufta sababta amni daro ee pland ilaa iyo iminkana wax iska badalay ma jiraan in ay sii siyaado ma ahane waxaana soo badanaaya qaxaryada iyo dilalka qorshaysan ee lagu bartilmaamaysanaayo dadka wax tarka u leh bulshada somaaliyeed gaar ahaan reer pland  waxayna imaanaysaa  soo siyaaditaankaan amni daro xili ay markasta shirar isugu yimaadaan  golaha wasiirada pland oo shir kastaba ka soo saara inay xalinayaan amni darada.

Shacabka reer plandna u sheega in la soo afjaraayo arinkaa marar badan ayuu wasiirka warfaafintu saaxaafada u mariyay in aysan u dulqaadan doonin in shacabka reer pland ay maalin kasta maqlaan wax xun dhagahoodu lakiin taas ayaa ah mid aan wax isbadal ah keenin ilaa iyo iminkana maba garan dawladu halka dhibku ka soo afuufmaayo  ayaa la is oran karaa .

Idiris Makiinad Dooxajoog

dooxajog5@hotmail.com

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s