Xisbul Islaam oo isku fidinaya Mudug iyo Puntland oo loo baqay

Maleeshiyaadka Xisbul Islaam ayaa tartiib tartiib isugu fidinaya deegaanada Gobolka Mudug, kadib markii labo todobaad ka hor la wareegeen Degmada xeebta leh ee Xarar Dheere oo saldhig u aheyd Burcad Badeedka.

Xisbul Islaam ayaa maanta la wareegay Degmadii Labaad oo ka tirsan Mudug, kadib markii Maleeshiyaadkeeda ay si nabdoon ku galeen degmo lagu magacaabo Jowle oo ilaa 50KM u jirta Xarar Dheere.

Qabsashada Xisbul Islaam ayaa ka dambeysay markii deegaankaas barqanimadii maanta ay galeen Ciidamadooda iyo saraakiil la socday, kuwaasoo kulan la qaatay dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in Odayaasha deegaanka iyo Saraakiisha Xisbul Islaam ay isku af garteen in shareecada Islaamka laga hirgeliyo Degmadaas, si shacabka ku nool ay u helaan cadaalad iyo sinaan.

La wareegitaanka Xisbul Islaam ayaa ka dhigan sidii ay isugu fidin lahaayeen deegaanada Mudug oo idil, waxaana haatan soconaya qorsheyaal ballaaran oo Kooxaha Mucaaradka ku doonayaan in ay dhamaad Koofurta Soomaaliya oo dhan u qabsan lahaayeen.

Maamul xaafadeedka Galmudug oo ka taliya qeybo kooban oo K/Galkacyo ah ayaa ku yeeray wiishka, iyadoo Maamulkan haatan bilaabay abaabul iyo isu habar wacasho ku aadan sidii ay uga hortagi lahaayeen daadka ku soo socda.

Tallaabada Xisbul Islaam u qaadeen la wareegitaanka degmadii labaad ee ka tirsan Gobolka Mudug ayaa ku soo beegmeysa, xilli Horjoogaha Maamul xaafadeedka Galmudug Col. Caalin uu ku sugan yahay Magaalada London

allcasayr.com

 

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s