Madaxwaynaha Puntland oo Jebiyey Sharicgii Xukuumada iyo Xildhibaanada Puntland oo iska indha saabaya Qoraalka xeerka Dastuurka Puntland.

Madaxwaynaha Maamulka dowlada Puntland ayaa jebiyey Shariciga Axdi Qarameedka Hableedka ahaa ee Sanadii 1998kii ay Beelaha Puntland ku Xardheen hidisiihii dowladeed ee Magaalada Garoowe,Lakiin waxaa ka sii liita Sharci jebinta Madaxwaynuhu samayey Mudanayaasha Barlamanka oo Noday kuwo Colooshood u shaqaystaal ah oo iyagu dhinaca Madaxwaynaha aan marna si sharci ah u werari karin.
Madaxwaynaha Puntland ayaa isagu gacantiisa ku Maamula 4Wasaaradood oo ah kuwa ugu waawayn Puntland iyadoo taasina ay meelkadhac wayn ku tahay axdi qarameedka Dastuurka Puntland oo ay si xaraan ah ku fiirsanayaan kuwa Sheeganaya inay yihiin Barlaman ee 66ka xubnood ee Golaha Barlamanka oo wax kasta ay ugu mihiimsantahay dantooda iyo Nolol maalmeed ay helaan iyagu taasina ay tahay Nasiibdaro ku soo hoyatey Shacabka somaliyeed ee Reer Puntland
Wasaaradaha uu ku xadgubey Madaxwayne Faroole oo isagu uu Hayo lakiin Maqaar saarka ah ayaa waxaa ay kala yihiin Wasaarada Amaanka,Wasaarada Dowladaha hoose ,Wasaarada Macdanta Waxaana taas cadayn maqraanti madoonto ah u u ah Inuu isagu Magcaabay taliyaha Booliska taliyaha Dawrawiishta iyo Dhamaan laamihii hoos iminayey Wasaarada Amaanka oo aan iygu hoos tegin Wasaaradaasi uu iminka Wasiirka ka yahay Yusuf Axmed khayr.
Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Dowladaha hoose ayaa iyana ka mid ah Wasaaradaha uu Madaxwaynuhu afduubka ku haysto isla markaasina uu Maqaar saar ka yahay ilkajiir oo si hoose ugu shaqaya Wasaarada Arrimaha debeda isla markaasina doorbiday inuu Madaxwaynaha Puntland kala xisaabtamo musharadiisa keliya Madaama ay Caruurtiisku ku dayacanyihiin Dalka Mereekanka.
Wasiirka Macdanta ayaa waxaa uu ka dhigay Agaasime Madaxwaynuhu isgoo siwayn ula daririaya qolada hore Madaxwaynaha u haynjiretey ee Wiilkiisu ugu Yeeray Xukuumadii Rajiimkii Cade Muse,Wasiirka Wasaarada Maaliyada Waa Nin ay qaraabe yihiin Madaxwaynaha Faroole isla markaasina aan isagu bixin karin wax dakhli ah oo lacagta wasaarada Maaliyada Amar aanu ka haysan faroole taasina ay tahay mida uu Faroole uga soo xushay Wasiirkan beesha uu u dhashay oo iyagoo caraysan ku qancay Wasiirka Maaliyada.
Madaxwaynaha ayaa waxaa lugu xusuutaa sidoo kale iminka oo markii u damaysey uu xilka ka xayuubiyey Xooghayaha dowlada Hoose C/risaaq geeldoon uusan Madaxwaynuhu Xaq u lahayn inuu isagu Magcaabo Amabedelo Xooghaye Dowlad hoose oo ku Yimaada heer Wasaaradeed taasina ay tahay mid muujinaysa Hanyaraanta Sharci jebinta in madaxwaynuhu ku hoos noqdo ama uu Faragelin ku samayo Shaqada Wasaaradahu xaqa u leeyihiin

eng abdalla mohamed mohamuud

dorogbo5@hotmail.com

all casayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s