Isimada ugu waawayn Gobalka Bari ayaa la kulmay Maamulka Gobalka Bari Daawo Sawiro

Kulankaan ay maanta wada qaateen maamulka gobolka Bari iyo qaar ka mid ah Isimada gobolka ayaa ahaa mid looga

hadlaayay Baaq shalay kasoo yeeray qaar ka mid ah Isimada gobolka kaas oo ay ku dhaliileen maamulka Puntland. Isimada maanta kulankaan maamulka la qaatay ayaa waxaa ay tiro ahaan gaareyeen ilaa 9-isin kuwaasi oo sheegay

in aanay Baaqaas ku raacsanayn Isimadii sheegayna in ay ka been fariimeen Isimada gobolka Bari. Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin oo ka mid ah Isimada gobolka Bari ayaa kulankaasi ka hadlay,wuxuuna sheegay in ay wax laga xumaado tahay in nin Isin sheeganaaya uu ka hadlo warbaahinta isla markaana ka been sheegta Isimada,wuxuuna si kulul u cambaareyey arintaas. ”Aniga waxaa aaminsanahay in aanay dadkaasi ahayn dad ka mid ah Isimada,waxaan ognahay in dadkii shalay idaacadaha ka hadlaayay ay sheeganaayeen hogaanka Isimada gobolka mana aaminsano in Isimada ay leeyihiin hogaamiye iyo meel ay isugu yimaadan.waxaan codsanaynaa in dadkaasi khaladka galay nala kasoo qabto”,ayuu yiri Ugaas Xassan. Beeldaaje Cali Faarax ayaa sidoo kale ka hadlay kulankaasi,isagoo xoojinaayay hadalkii Ugaaska ayaa sheegay in gebi ahaan Isimadda

gobolka Bari ay cambaareynayaan dadka aan ka mid ahayn,waxaana u xusay in dhowaan ay kulan la qaateen Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/raxmaan Faroole isagoo sheegay in waxyaabaha ay ka wada hadleen ay ugu weynayd sidii wax looga qaban lahaa arimaha amaanka degaanada Puntland ayna isku afgarteen.

Isimadii kulankaan maanta la yeeshay maamulka gobolka Bari ayaa waxaa ay kala ahaayeen:

1.Beeldaaje Ismaacil Beeldaaje Yaasin

 2.Beeldaaje Cali Faarax

3.Boqor Cumar Ismaacil

4.Suldaan Muuse Maxamed

 5.Suldaan Ciise Xassan Cumar

 6.Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin

7.Suldaan Daa’uud Faarax

 8.Ugaas Bashiir

 9.Beeldaaje Aadan Ciye

Gudoomiyaha gobolka Bari Sheikh C/xaafid Cali Yuusuf oo soo xiray

 

kulankaasi ayaa sheegay in Isimadii shaley soo saarey Baaqa aanay ahayn kuwa gobolka ka diiwangashan isla markaana aanay jirin wax xafiis oo ay iska leeyihin Isin oo ka furan gobolka. Kulankaan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa masuuliyin ka socotay Puntland oo uu ka mid ahaa Wasiirka Warfaafinta Mudane C/xakiim Axmed Guuleed iyo Duqa magaalada Bosaaso Maxamuud Faarax Beeldaaje.

Sawirada  jurile

allcasayr.com

1 Comment

Filed under NEWS

One response to “Isimada ugu waawayn Gobalka Bari ayaa la kulmay Maamulka Gobalka Bari Daawo Sawiro

  1. Asc. Wr. Marka Hore, waan ku salaamayaa Aniga, Dabadeed, Waxaa iska jira, turan,turooyin. turaturooyikaasna waa hagardaamin ah waxaan leeyahay waa, in laga dayaa dadka shacabka,

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s