ciidamada Nato ee ku sugan xeebaha puntland oo bilaabay inay kala xaajoodan arinta burcad badeda beelo ka tirsan puntland iyada oo ku tilmaamay maamulka puntland mid aan awood lahayn

 

ciidamada nato ee ilaaliya xeebaha dalka soomaaliya ayaa bilaabay inay kala xaajoodaan dhaqdhaqaaqa burcad badeeda puntland beelo ka mid ah beelaha puntland iyaga oo aan maamulka puntland arintaas uusan waxba ogeen taas ayaa marqaati cad waxa ay u noqonaysaa ka dib markii ciidamada nato ee ku sugan xeebaha puntland ay shir kula qaateen bada dusheeda ayna casumeed odayaal beeleed ka soo jeeda beelaha puntland kuwaas lagu tuhmayo in deegaanada beelahaas ay ka duulaan burcad badeeda ayna saldhigyo ku leeyihiin

iyaga oo uu ilaa haatan ay ciidamada nato ee sheegta inay ilaaliyaan dhaqdhaqaaqa burcad badeeda ay la kulmen labo beelood oo ka mid ah beelaha puntland

Laba maalin ka hor ayay saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada naato kula kulmeen magaalada Baargaal odayaal dhaqameed ka soo jeeda beesha Siwaaqroon waxa ayna kala xaajooden sidi wacyi galin klu aadan burcad badeeda  looga samaayn lahaa deegaanka odayaasha ay shiray ciidamada baargaal ayaa waxa hogaaminaayay Nabadoon Axmed Salaad C/raxmaan 

taas waxaa ka sii daran markii isbuuca la soo dhaafay ay la shireen ciidamada nato odayaal isimo iyo wax garad ka soo jeeda gobolka nugaal oo uu horkacayo suldaan saciid garaase iyo gudoomiyaha gobolka nugaal oo dhamaan ka soo wada jeeda beesha ciise mohamuud ee majeerteen ayna shir kula qaateen xeebta degmada eyl  isla isbuucaan ayey ciidamada nato waxay ka kulmaan odayaal isimo wax garad ka soo jeeda gobolka bari iyaga oo ku casumay bada dusheeda xeebta degmada baargaal oo dhamaan ka soo wada jeeda beesha siwaaqroon ee majeerteen iyaga oo ka wada hadlay wax ka qabashada burcada badeeda ka qowlaysata xebaha puntland

ciidamada nato ayaa qorshaynaya inay la shiraan isbuucaan wax garad isimo ka soo jeeda gobolka mudug iyaga oo qorshaynaya inay ku shireen xeebta degmada garacad oo dhamaan ka soo wada jeeda beesha cumar mohamuud ee majeerteen yaga oo ka wada hadli doona wax qabashada maraakiibta tirada badan ee ku xiran degmada garacad oo ay burcadu haatan saldhiga u wayn ay ka samaysteen degmada garaca

ciidamada nato ayaa qorshaynaya inay la shiraan odayaal iyo wax garad ka soo jeeda gobolka sanaag iyaga oo kula shiraya degmada laasqoray odayaashaas oo dhamaan ka soo wada jeeda beesha warsangali

hadaba taas ayaa waxa ay ka yaabisay dhamaan umada soomaliyed oo aaminsan in maamul goboleedka puntland uu awood ku leeyahay deegaanada puntland isaga oo maamulkaas jiro mudo 10 sano ah ciidamada nato ayaa iyaga aaminsan in maamulka puntland uusan awood u lahayn inuu wax ka qabto burcad badeeda iyaga oo u arko in madaxda puntland ay xiriir la leeyihiin burcadbadeeda  ciidankii puntland ayaa ku biiray burcad badeeda iyaga oo ka qabanaya musuqmaasuq ,qabyaalada. mushahar la,aan tan ayaa keentay in ciimadii amaanka e puntland la waayo wax soo xaadira iyaga oo dhamaantood ay ku biireen burcad badeeda puntland

eng abdalla mohamed mohamuud

dorogbo5@hotmail.com

all casayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s