Taliye Kuxigeenkii Ciidamada Booliska Degmada Madiina oo xalay gurigiisa lagu dhex dilay

Taliye kuxigeenkii Ciidamada Booliska degmada Madiina ee Gobolka Banaadir ayaa xalay lagu dhex dilay gurigiisa, iyadoo dilkaas uu geystay ruux la sheegay in ay qaraabo ahaayeen.

Taliyahan oo magaciisa lagu soo gaabiyay Cali Yare ayaa ka hor inta aan la dilin la sheegay inuu u yeertay ninka dilka geystay oo sida la sheegay horay uga tirsanaa Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda, hase ahaatee ka soo goostay.

Rasaas laga maqlay guriga ayaa kadib waxaa ku soo baxay Ciidamo ka tirsan Dowladda, iyadoo goobta ay ugu yimaadeen Meydkiisa oo yaala gudaha guriga, iyadoo uu baxsaday ruuxii dilka geystay.

Ilaa iyo hada ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmadaas iyo Taliska Ciidamada Booliska oo ku aadan dilka Taliyahan oo ah kii u horeeyay sarkaal ka tirsan Dowladda lagu dhex dilo gurigiisa.

Xaalada Degmada Madiina oo maalmihii u dambeeyay ka jirtay xiisado kacsanaan ah, kadib dagaal dhex maray Ciidamo ka tirsan Dowladda ayaa xiisada degmadaas la xaliyay maalmo ka hor.

Laakiin dilka sarkaalkan ayaa waxay noqoneysaa mid degmada ka dhigta xaalado kacsanaan ah, waxaana saaka gaaray degmada Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG oo howl galo bilaabay.

Degmada Madiina ayaa ah degmada kaliya ee Dowladda KMG ay ammaankeeda si buuxda gacanta ugu heyso, iyadoo degmadaas ay ku barakaceen boqolaal qoys oo ka soo cararay dagaalada qeybo ka mid ah Muqdisho.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s