Baaq Isimadda Puntland ka soo saareen Xaaladda Guug ee Nabadgalyada

Shirka Isimadda waxa ay ku gorfeeyeen xaalada guud ee Puntland iyo Tan Gobolka Bari, waxa ayna si qotodheer uga hadleen, Nabadgelyo xumada iyo Dilalka lagula kacayo Dadka waxgalka ah, iyo Qaraxyadamacnodarada ah ee dhaca mararka qaarkood. Dowladda waxa ay ku filnaanweyday sugida Amaanka guud ee Magaalooyinka Puntland, gaar ahaan Xarunta Ganacsiga lafdhabarta u ah ee Boosaaso oo noqotay meel dareen Cabsi leh loogu Nool yahay.
Odayaasha Dhaqanka ee Shirka isugu yimi waxay soo saareen Baaq wadajir ah iyo Qodobada hoos ku xusan oo muhiim u ah Bulshada Puntland.

Dowladda Puntland ee uu Madaxweynaha ka yahay C/raxmaan Maxamed Faroole waxa ay Dayacday oo lumisay Amaankii Guud ee Shacabka Puntland mudada dheer ku hurdeen.
waxa ay ka gaabisay wadatashiga iyo isku duubnidii Isimadda, Cuqaasha,Waxgaradka iyo Maamulka Puntland.
Waxa ay ku dhaqaaqday Dowladdu Kooxaysi iyo kala qeybinta Qeybaha kala duwan ee Puntland oo la doonayey in ay si siman ula macaamisho.
Waxa ay ku guuleysan weyday Dowladda Puntland in Gacan adag oo bir ah ku qabato Nabadgalyada Shacabka Puntland, waxaana si bareer ah maalin cad dadka loogu dilayaa Bartamaha Magalooyinka Sida Boosaaso iyo Gaalkacyo.
Madaxda Dowladda waxay ku xadgudbeen Maareeynta Dhaqaalaha Guud iyo Daqliga laga helo Khayraadka Dabiiciga ee laga qaado Shirkadaha Macdanta ka baara Puntland.
Dowladda Puntalnd waxay ragaadisay oo gacmaha ka laabatay Mashariicdii wax ku oolka ahaa ee ka socday Puntland agar ahaan gobolka Bari Sida dhamaystirkii Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso iyo Wax ka qabasho iyo dayactir lagu sameeyo Kaabayaasha dhaqaalah Sida Dekadda Boosaaso.
Isimadda waxa ay Madaxda Dowladda Puntland ku dhaliilayaan wax ka qabasho la’aanta Burcad badeeda dhibaatada ku haysa marin Biyoodka Badaha Puntland.
Dowladda waxay sameysay habka Awood qeybsiga Cadaalad xumo ku dhisan Waaxyaha Dowladda oo aan isku dheelitirneyn, Beelaha qaarkoodna aad uga cabanayaan miisaanka aan fadhin ee Dowladda lagu dhisay kuraasteeda, taasoo ah asalka dhibaatada Puntland ka jirta.
Markaan aragnay arrimahaas oo dhan waxaan go’aansanay inaan Baaqan u soo jeedino Shacabka iyo Bulshaweynta Puntland qeybaha kala duwan, waxaana Talo ugu soo jeedinaynaa, Samadoonada, Cuqaasha, Waxgaradka,Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta Dhaxalgalka u ah Talada Puntland in si deg deg ah looga wada arrinsado sidii wax looga qaban lahaa la isuguna iman lahaa Shir guud oo looga rashanayo arrimaha dhibaatooyinka ka jira Deegaanada Puntland, iyadoo si wadajir ah looga ambaqaadayo loogana duulayo xaqiijinta adkaynta Nabadgalyada guud ee Shacbka ku dhaqan Geyigeena Puntland
Magacyada Isimadda ku saxiixan Baaqa

Shirar wadatashiyo ah oo ay isugu yimadeen Isimadda Puntland ee ku sugan Gobolka bari Xarunta Boosaaso, kaga hadleen Arrimaha Guud ee Nabadgalyada iyo Siyaasadda Dowladda ku hogaaminayso Dalka.

Liiska isimadi saxiixay

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s