Shabaab oo xabsiga u taxaabay mid ka mid ah Hogaamiyeyaashii garabyadii horay u qabsaday Kismaayo.

Xarakada Alshabaab ayaa xabsiga dhigay Hogaamiye Islaami caan ah oo ka mid ahaa aas aasayaashii mid ka mid ah Garabyadii Islaamiyiinta Soomaaliya, iyadoo xariga Hogaamiyahan ay xiisad ka dhex dhalisay Shabaab.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Maleeshiyo ka tirsan Shabaab ay xalay gurigiisa kala baxeen Sheekh Mustafa Cali Caanood oo ahaa Hogaamiyihii Guutadii Khaalid Bin Waleed.

Xariga Hogaamiyahan oo ay salka ku heyso xurguf hoose oo ka dhaxeysa Shabaab iyo isaga ayaa la sheegay in xarigiisa uu yimid markii Maktabada Dacwada ee Shabaabka Kismaayo ay ku amartay in la soo xiro.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in sababaha loo xiray ay ka mid tahay, isagoo amar la’aan mid ka mid ah masaajidada Kismaayo ka bilaabat Darsi diini ah, waxaana Saraakiisha Dacwada ay ku eedeeyeen in aanu la soo socodsiin darsigaas.

Laakiin warar hoose ayaa sheegaya in Hogaamiyahan iyo qaar ka tirsan Saraakiisha Shabaab ay ku kala fogaadeen dhinaca fikradaha, isagoo si cad uga soo horjeestay mabda’yada xag jirnimo ee Shabaab.

Guutada Khalid Bin Waleed ayaa ka mid aheyd garabyadii ka qeyb qaatay sanadkii 2008-dii qabsashadii magaalada Kismaayo, oo xilligaas ay kala wareegeen Maleeshiyo beeleedyo ku heyb ahaa Col. Barre Hiiraale, iyadoo wixii xilligaas ka dambeeyay laga dhisay Kismaayo Maamul wadaag ay xubno ka wada ahaayeen dhinacyadii magaalada wada qabsaday.

Dhamaadkii sanadkii 2009-kii ayay aheyd markii la isku qabtay Maamulka Kismaayo ee meertada ahaa, waxaana dagaal dhex maray Ururka Xisbul Islaam ee uu hogaaminayay Axmed Madoobe lagaga saaray Magaalada Kismaayo, iyadoo maamulkii Magaaladana uu noqday mid awoodiisa ay si toos ula wareegeen Shabaab.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s