Garoowe:-Sir Fashilantay

Sida aad intee Warbaahinta la socotaa aad maqasheen ama Dadka Face-Book Isticmaalaa ay wada ogyihiin Waxana dhawaan BBC-du Waraysi la Yeelatay Farshaxanka Caanka ah ee Amin Caamir kaasi oo ka hadlay Arimo badan iyo waxa uu Ugla Jeedo Sawirka Gacameedka ah ee uu ku soo Bandhigo Bartiisa Enternet, Amin Camir Waraysigiisa inta badan waxa uu kaga hadlayay Ruux ku qadhaabta Magaca Amin oo Faceboo-ga Saxiibo badan ku Yeesho isaga oo iska Fogeeyay inuu Ruuxaasi isaga ahayn isla markaana Uu ugu baaqayo inuu ka Waantoobo Arinkaasi.

Hadaba Baadhitaan dheer oo ay Samaysay Galgalanews.com ayaan ku Ogaanay in Ruux Magaca Amin Camir Isticmaala ee Face-booga Saxiibo ka Samaystay uu Yahay  Maxamed C/raxmaan Faroole oo Ah Wiilka C/raxmaan Faroole  kaasi oo ah Ninka Abuuray Magaca Been ABuurka ah ee Amin Camir dadka laysaga dhigayo, Madaxwaynaha Puntland ayaa wax badan ku Taahay in Mar uun Amin Camir Gacanta loo soo Galiyo si uu Hilibkiisa u cuno madaama uu Maamulkiisa ka sameeyay Sawiro Xaqiiq ah oo Indhaha Caalamka soo Jeetay

Maxamed C/raxmaan oo Maamulka Abihiis u Qaabilsan dhanka Warfaafinta wax Loogu Yeedhay ayaa in badan ka dhacdooday Sawiro Kartoonis ah oo Runta ka hadlay kuwaasi oo Amin Camir BArtiisa Enternet ku soo sawiray waxana uu Baadi Goob Maxamed C/raxmaan Ugu jiraa dadka Sirta Puntland Gudbiya ama Wariyaasha Amin Camir la shaqeeya ee Wararka Kartooniska ah Siiya.

Isaga oo ka duulaya Maxamed C/raxmaan Arinkaasi ah inuu Wax uun ka Ogaado Saxiibada ugu dhaw ee AMin Camir ku Leeyahya Madaxtooyada ama Gudaha Puntland ayuu ku Fekeray inuu Face-book ka sameeyo Magaca Amin Camir isla markaana dadku soo Invet Gareeyaan Amin si loola hadlo ama Araah Looga dhiibto Sawir Gacmeedkiisa.

Maxamed C/raxmaan Faroole ayaa aad uga xun Sawir Gacmeedyo badan oo uu Amin Camir ka sameeyay Puntland waxana uu ahaa kii Ugu danbeeyay ee ugu Murugada badnaa dhanka Xukuumada Markii Amin Camir soo Sawiray Faroole iyo Wiilashiisa oo Maalaya Caanaha Ama dhaqaalaha Puntland halka dadkii kale Qatanyihiin.

Sidoo kale AMin Camir ayaa sameeyay Kartoonis Muujinaya in Faroole Leeyahay Makiinada Lacagta Faalisadah Samaya taasi oo Madaxa Xanuun ku Abuuray Maamulka waxana ay ka qabteen Kulan Wareed Xukuumadu iyada oo sheegtay inay Amin Caamir Maxkamada Saarayaan Hase yeeshee taasi ayaa aad loola Yaabay iyada oo Amin Camir ku Noolayah Wadan aad looga Tix Galiyo Xuquuqda Saxaafada.

xigasho galgalanews.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s