Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay inaysan ka qaybgalan kulan uu shir gudoominaayo Sheekh Aadan Madoobe

Waxaa kulan maanta yeeshay qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo horjeeda Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, kuwaasi oo sheegay inaysan marnaba ka qeybgalayn kulan uu shir Gudoominaayo Gudoomiyaha Baarlamanka.

Xildhibaannadaan ayaa waxay  sheegeen in la xulay guddiyo ka soo shaqeeyaan sida dib loogu furayo kulammada Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo fadhiga Baarlamaanka uusan furmin muddo ku dhow hal sanno.

Mudanayaashaan ayaa sheegay inay ka go’an tahay inaysan  ka qaybgelin kulan uu shir guddoominaayo  Sheekh Aadan Madoobe, waxayna sheegeen inay jiraan guddiyo ay labada dhinac soo diyaariyeen, kuwaasoo min sideed xubnood ah, kana soo shaqeynaya qaabka dib loogu howlgelin karo baarlamaanka.

Xildhibaanadaan ayaa sheegay  inay ka go’an tahay inay soo doortaan guddoomiye cusub, haddii la raaci waayo go’aanka ay soo saaraan guddiyada labada dhinac ee ay soo  xusheen, ayna furi doonaan kulammada Baarlamaanka.

Dhanka kale waxaa weli taagan khilaafka Baarlamaanka, iyadoo dhawaan Madaxweyne Sheekh Shariif, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ay sheegeen inay xal ka gaareen khilaafkaasi, la dhameeyay.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s