Ma Inaga Hubtaan-Maqaal

Iyadoo ay isa soo tarayso talaabada horumarka ah ee gobanimo u dirirka iyo gunimo diidka beelaha SSC, ayaa haddana waxaa si cad u garab socda hagardaamooyinka iyo siyaasadaha dhexroorsan ee maamulada hareeraha ka xiga. Caqabadaha hor yaalay aayo ka tashiga umaddaas waxaa ugu adkaa uguna ciriq xumaa iska horkeenka siyaasadeed ee xubnaha beesha iyadoo la adeegsanayo isla xubnaha beesha.

Aragtida ah inaan beeshu keligeed waxba qabsan karin ayaa iyaduna ahayd dhardhaar wayn oo bohol qarkeed saaran taasoo markasta humaagiisa iyo mudutuulkiisa farta loogu fiiqi jiray qofkasta oo isku daya inuu luquntiisa kor u taago oo yidhaahdo anigu waxaan ahay SSC taas oo wax gunti la geliyo ka tafo dheer kana qaro balaadhan. Bad ma lihid, dekad ma lihid, beero iyo wabiyo ma lihid, waxaas malid oo waxeer malihid … Dhardhaarkii waxaad moodaa inuu bohoshii uu qarkeeda saarnaa kasii dilindiloonayo oo uu u dhawyahay in gabi ahaantiisaba la waayo.

Waxaa iyaduna caqabad kale ahayd arinta toliimada iyo sidee laga yeelayaa Puntland oo lagu dhisay hiraal toleed iyo hiigsi hanaan siyaasadeed oo loo siman yahay laakiin ku soo qayooday “Geeljire geela waa wada jiraa waana kala jiraa” isla markaasna natiijadii isugu biyo shubatay “sinkii seexdaa sicii dibi dhalay”. Waxaad moodaa in caqabadan danbe si fiican iminka uun loogu baraarugay lisaanul xaalkuna uu yahay “tolliimo waa halkeediiye geelasha inoo kala sooca isku dan maanta maaha oo kayguna soddon buu qatimay, kaaguna kalgaab buu ku cabbay oo cusbo iyo carshin mooyee wax kale ma tawane e”.

Waayo Aragnimadii Maxkamadaha!!!

Sida ka muuqada ciwaankan yar waxay maxkamaduhu gaadheen qolateyn waana la daadiyay siyaasadihii loo adeegsaday xiligii iska hor imaadka hubaysana waxaa ka mid ahaa iyadoo lala ciyaaray farshaxan sirdoon oo xeeldheer. Waxaa lagu soo daayey ciidan badan oo tumbul tubbul ah oo aan laga didayn oo  kala dan danbeeya laakiin ujeedo iyo dan mida leh; tabeelaha ay wataana ay ku qoran tahay “Waxaan kasoo goosanay Dawlada Federaalka ah” wadaadaduna khary Alle ha siiyee aad uma dhaadin waxaana la isla helay takbiirta Allahu Akbar… maxaa ka danbeeyay. Bal u fiirsada wixii ka dhacay Bandiiradley iyo meelaha la midka ah.

Waxaa iyana tusaale fiican oo la wada xusuusto ahaa markii Ciraaq loosii gurguuranayey dad badan oo reer galbeeda oo iska dhigayey kuwo bini aadanimo dabada ka riixayso. Waxaa fiiso yaal badan loosoo qaatay Baqdaad, waxaana la iska diiwaan geliyey xarumihii loogu talo galay dadkaas laba kaadhlaha ah (double agent) waxaa loo kala qaybiyey meelihii muhiimka ahaa sida wasaaradihii iwm. Waxay dadkaasi sheeganayeen inay yihiin gaashaan dadnimo (human shield) oo aanay marnaba suurto gal ahayn meelaha ay joogaan in la duqeeyo. Maxaase dhacay? Subxaan Allah!. Weli ma maqasheen halqof oo iyagii ka mid ah oo duqayntii ku dhintay? Mase jirtay xarun ka badbaaday duqayntii xoogga badanayd oo aan ka ahayn Wasaarada Batroolka oo ahayd meesha hashuba u dhimatay. Markiise Baqdaad faraha ka baxday uun baa la ogaaday inay dadkaasi ahaayeen hagayaal ciidan oo xirfad sare leh, meelihii loogu talo galayna si fiican uga soo dhalaalay sirdoonkii iyo hogaamintiiba. Hiinraac waa iska jiray laakiin hashu meelbay u dhimanaysay.

Waxaan ayaamahan maqlayaa ciidan baa kasoo goostay Somaliland iyo mid baa ka yimid Puntland, waxaan kaloo maqlayaa taliye hebel ayaa la filayaa inuu dhawaan soo goosto…oo kusoo biiro ciidanka meel hebla fadhiya. Su’aasha is waydiinta lihi waxaa weeye goorma ayay kugu dhalatay inaad ka mid noqoto ciidanka SSC adigoo shalay galab kasoo hor jeeday gebi ahaanba jiritaanka wax la yidhaahdo SSC????

Waxaan rabaa inaan kusoo khatimo tusaalayn taariikhda gashay oo arintan la xidhiidhta. Haddii umadi ka shaqaysanayso danaheeda waad ogtihiin oo looma ogola, waana wax iska dabiici ah. Marka arintu heer militari iyo xaalad dagaal maraysana waa iska caddahay oo waxay la mid tahay “ war wiilka tabcee!!” iyo ‘waad noo wada sheegtay”.

Berigii dagaalkii labaad socday waxaa jiray halyeey Maraykan ah oo wadankiisa nafta u huray. Waa maskaxdii ka danbaysay taabo gelinta qumbuladihii lala dhacay Hiroshima iyo Nagasaki oo Jabaan ah. Saynis yahan kaasi waa J. Robert Oppenheimer. Ninkan waxay goroda isla galeen sanado kadib saaxibadiisii Manhattan Project oo ay qumbuladaha wada samayn jireen iyo siyaasiyiintii kale ee arimiisa danaynaysey. Waxaa lagu eedeeyay inuu shuuciyada lug ku leeyahay waxayna taasi ugu danbayntii dhalisay in loo qabto kulan lagu lafa gurayo arimihiisa iyo inuu weli usii qalmo ka mid ahaanshaha dadka u dhuundaloola siraha istaraatiijiga ah ee maraykanka. In kasta oo aan wax cad lagu helin, jeer danbena (waa wakhtigii madaxweyne Kennedy ye) la siiyay aqoonsi xaal marin siyaasadeed ah; haddana kulankaas la qabtay 1954 waxaa lagaga xayuubiyay aqoonsigiisii dhinaca arimaha amniga (security clearance) wuxuuna ku ekaaday macalinimadiisii jaamacadeed.

Bal isu fiiriya haddaba ninka waxaas oo guul ah hoosta ka xariiqay ee hadana qoonsimaad dardiis lagu aamini waayay inuu sii ogaado wadanka sirtiisa iyo mid laba kaadhle ah oo siduu ugu qayilayey magaalo hebla ama hebla si fudud isaga sheeganaya inuu daacad u yahay wixii uu shalay kasoo horjeeday  iskana soo dhex fadhiistay meeshii ukuntu taalay, amase lagu qayb sadey aag dhan oo ciidan ka dibna baqo been layn iyo dib ugarsho intuu bilaabay ciidan kii hargo jaan u tuuray (sidii Kismaayo ka dhici jirtay) halkiisiina baneeyey  ileen awalba laba kaadhluu ahaaye…!!!

Waxaan kusoo Kufinayaa

Arimahani waxay la xidhiidhaan amaanka qaranka, waxaa markaa lagama maarmaan ah in la dhiso guddi heer qaran ah oo arimahan loo igmaday bixiyaha hufnaanta arimaha nabadgelyada iyo liisan keedaba (security clearance). Ciddii gudigaasi ay kalsoonida siiso keliyana loo ogolaado inuu noqdo hogaamiye ciidan, ama qof ogaan kara siraha beesha, ama yeelan kara qaraar siyaasadeed oo istaraatiijig ah ama se qorshe hawleed la xidhiidha arimaha dagaalka iyo amniga sida saadka iwm. Ciidamada la sheegayo inay meel helba kasoo baxeena waa in lagu shaandheeyo ciidamada kale ee la hubo kalsoonidooda. Iwm iwm iwm. Qofkii aan kalsoonidaas helin wuxuu doonayaba ha sheegtee wa in aan waxba laga qori.

Maqaalkan waxa uu gaar u yahay qoraaaga

Markaa inaga hubiya …. Liibane e

Abdi Sh. Osman

Maqaal


Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s