Ciidamada dawladda federalka oo maanta ex-control Afgooye ku toogtay darawal gaari jaad siday

Ciidamada dawladda federalka ee ku sugan isgoyska Ex-control Afgooye ayaa waxa ay duhuradii maanta halkaasi ku toogteen darawalka gaari minibus ah oo jaad ka keenay dhinaca garoonka diyaaradaha No. 50 kuna soo jeeday magaalada Muqdisho, ayna la socdeen qaar ka mid ah milkiilayaashii iska lahaa qaadka.

Dad goob joogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in dilka qofka darawalka ah uu yimid kaddib markii muran dhinaca lacagta ah uu soo kala dhex galay isaga iyo ciidamadii halkaasi ku sugnaa taasoo sababtay in uu rasaas furo mid ka mid ah ciidamadii taasoo haleeshay qofkii darawalka ahaa oo isla goobta ku geeriyooday.

Markii uu dilka dhacay kaddib ayaa waxaa qaddar daqiiqado ah hakad uu ku yimid dhaq-dhaqaaqa gaadiida isaga kala goosha magaalada Muqdisho iyo deegaannada loo barakacay, waxaana markii dambe goobta soo saaray ciidamo kale oo dawladda federalka kuwaasoo u fasaxay gaadiidka inay waddada si caadi ah u isticmaalaan.

Darawalkii geeriyooday ayaa goobta laga qaaday, waxaana gaarigii soo kaxeeyay darawal kale oo jaad walayaasha keentay halkii ay rabeen, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo ay ciidamada dawladda federalka dil bareer ah ugu gaystaan halkaasi darawal gaari ama rakaab la socda gaari, waxayna taasi sabab u ah iyadoo uusan jirin sharci u degsan ciidamada oo ka horjoogsanaya inay xadgudub sameeyaan.

Xigasho dayniile.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s