Casayrland Youth Union aqoon iswaydaarsi ku qabtay xafiiskooda magaalada bosaaso Daawo sawiro

CYU oo mudadii ugu danbaysay ku hawlanayd wacyigalinta iyo baraarujinta bulshadooda ayaa maanta oo taariikhdi tahay 7/05/2010 lagu qabatay Bosaso Xafiiska Ururka Aqoon Isweydaarsi wacyigalina.

Aqoon isweydaarisigan ayaa ahaa mid muhiim u ahaa dhammaan ka soo qaybgalayaasha qaybahooda kala duwan oo isugu jira dhalinyarada kaasoo lagu wacyigalinayo dhalinta lana tusay doorkooda iyo inay horumariyaan bulshada iyo deegaankooda.

Waxaa soo jeedinayay dhalinyaro Aqoonyahaniin ah oo kamida dhalinta oo kala ah:

1. Dr. C/qaadir Maxamuud Muuse (Cawaash)    Dhaqaalaha & Siyaasadda

2. Eng. C/risaaq Jaamac Siciid (Baalbaal)   Caafimaadka & Arrimha Bulshada

3. Dr.Siciid Maxamed Siciid (Faqalle) Waxbarashada & Deegaanka

Ugu horeyn waxaa aqoon isweydaarsigan  daah furay Guddoomiye Ku Xigeenka Ururka Maxamed Yaasiin Xuseen (Ururshe), oo u mahadceliyay dhammaan dhalintii ka soo qaybgalay una hambalyeyay iyo inuu dhalintu ay ku dhiiradaan sidii ay u midaysnaan lahaayeen oo u ahaan lahaayeen mid qura oo ay gacmo wadajir wax ku wada gooyaan loona baahanyahay in gacmaha lays-qabsado oo lagu dadaalo sidii loo horumarinlahaa bulshada waxna laga badeli lahaa bulshada.

 Kadib furitaankii aqoon-isweydaarsigan ayaa waxaa loo dhaadhacay aqoon isweydaarsiga oo ay dhalintii halkaas ku soo bandhigeen xogo iyo tusaalooyin wax ku ool ah iyo dhiiri galin lagu abuuray dhalinta sidi ay kaalintooda u buuxinlahaayeen.

 Dr. C/qaadir Maxamuud Muuse (Cawaash) ayaa ugu horeyn daadihiyay barnaamijka isagoo dhalinyarada u sheegay dhammaan meelaha daldalooladu ka jiraan loona kaco in la buuxiyo dal-daloolada iyo in horumarkeenu uu ku xiranyahay inaynu helno maamul madax banaan oo deegaankeenu yeesho si aynu u gaarno horumar la taabankaro oo buuxda. Waa in aanu helnaa maamul aqoon leh degaankana wax kabadala.

Eng. C/risaaq Jaamac Siciid (Baalbaal) ayaa isagu sheegay in caafimaadku shay qaaliya yahay oo muhiim ah tassoo uu deegaankeenu ka dibu dhacsanyahay dhinaca caafimaadka, maxaa yeelay malaha xarumo shaqeeya oo deegaanka ka hawlgala taasoo ah meelaha bulshada aasaaska u ah lana rabo in loo gutado dhalinyarow in horumarku ku xiranyahay horumrinta caafimaadka iyo dhammaan qaybaha kale ee arrimaha bulshada. Eng Baal-baal ayaa ku dheeraaday ahmiyadda Horumarka bulshada oo inagu deegaan ahaan ka dibu dhacsanaya lagana shaqeeyo sidii dib loo soo celinlahaa kaalintii bulshada.

 Dr.Siciid Maxamed Siciid (Faqalle) waxuu sheegay inuu isagu maanta ku farax sanyahay sida dhalintu dal iyo dibad wax u wadaan loona baahanyahay in aynu mugdiga iyo hurdada ka kacno oo loo baahanyahay in dhalintu u bareeraan inay qaataan Qalinka maxaa yeelay maanta waxaa wax ku socdaan waa qalin ee dhalinyaro waa inay hurdada ka kacnaa oo aynu noqonaa kuwo midaysan oo bulshada u horseeda horumar buuxda oo wax ku ool ah.Deegaankeenu waa hodan maxana kafaaidaysano ee dhalinyaro waa inaynu u kacnaa horumarkeena dadka & deegaankaba.

Intaas ka dib waxaa furmay dood furan oo ay dhalintu isdhaafsanayeen oo ku aadan ajandayaashii ay soo bandhigeen fasilitaytaradii hore, daad iyo falaanqayn dheer ka diba ayaa waxaa dhalinyaradii ka soo qybgalayaashii ka hadlay dhalinyaro kuwaasoo kasoo jeediyay hadalo wax ku ool ah kuwaasoo ay kamid ahaayeen:

Eng. Saalim Siciid Yuusf oo isagu u mahadceliyay dhammaan kasoo qaybgalayaasha iyo ururkaba iyo in la kordhiyo wacyi galinta iyo horumarka bulshada.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay gabdho kuwaasoo soo dhoweeyay ururka sheegana inay la shaqaynayaan loona baahanyahay in la taageero dhalinta aadka wax u qabanaysa.

 Drs Hani Maxamuud Axmed oo tiri dhalintu inay ka qaybqaataan horumarinta ururka loona baahanyahay in aynu gacmaha is qabsano bulshadeenana u jeedino dhinaca horumarka iyo isku xirnaanshaha dhalinta

 Guntii iyo gaba gabadii ayaa waxaa aqoon isweydaarsiga soo xiray Guddoomiyaha ururka C.Y.U  Prof.C/laahi Maxamuud Siciid (Cirro) oo u mahadceliyay dhammaan ka soo qaybgalayaashii iyo daadihiyaashii barnaamijka una sheegay dhalintu inay members ka noqdaan ururka una istaagaan midnimada iyo horumarka.

Sidoo kale guddomiyuhu wuxuu mahad gaara u celiyay dhamaan mas’uuliyiinta CYU ee dibadda ku sugan kuwooda ugu sar sareeay kaasoo sheegay inay u heelanyihiin dhalintu inay wax u qabtaan bulshadooda kuna amaanan yihiin.

Aqoon isweydaarsigiina Jawi wanaagsan ayuu kusoo gaba gaboobay

 

Agaasimaha Guud Ee CYU Somalia

C/futaax Siciid Caynab (Barxa)

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s