Wafdigii Ahlu Sunah oo maanta isaga huleelaya Muqdisho iyo fashil ku yimid heshiiskii iyaga iyo Dowladda.

Iyadoo mudooyinkii u dambeeyay ay jireen mad madow dhinaca wada hadalka oo u dhaxeeya Dowladda KMG iyo Ahlu Sunah, kadib markii bishii Marso heshiis dhinacyo badan ku kala saxiixdeen Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa soo if baxaya khilaaf ku aadan habka loo marayo heshiiskaas.

Gudoomiyaha Guud ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunah Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa sheegay inuu fashilmay heshiiskii iyaga iyo Dowladda KMG u dhaxeeyay, isla markaana uu isaga ku amray in Wafdiga ka jooga magaalada Muqdisho in ay dib ugu soo laabtaan deegaanadooda.

Macalin Maxamuud ayaa sheegay in heshiiskaas ay xagal daaciyeen siyaasiyiin iyo Hogaamiye kooxeedyo uu sheegay in ay kala qeybinayaan Ahlu Sunah, isagoo ku eedeeyay Dowladda KMG in ay abuureyso garab 3aad oo Ahlu Sunah.

Inkastoo hada si rasmi u soo shaac baxay khilaafka Ahlu Sunah iyo Dowladda ayaa waxaa uu yahay mid salka la galaya arrimo siyaasadeed, kadib markii Siyaasiyiin caan ah ay lugaha la soo galeen Ahlu Sunada Galgaduud.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in wixii ay ku heshiiyeen Dowladda wax ka badalan ay ka arkeen, markii Wafdiga ay u direen Muqdisho, waxaana uu sheegay in iyagu aanay diidaneyn Dowladda, balse sida wax loo wado ay tahay mid aan la aqbali karin.

Macalin Maxamuud oo aan cidina farta ku fiiqay ayaa aad u saluugsan ragg uu ka mid yahay Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan R/wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya, oo doonaya in Shaar Ahlu Sunah ku helo Xil dowladeed.

Warar hoose oo ay heleyso allcasayr.com ayaa sheegaya inuu jiro muran dhexdooda ah, kaasoo ku aadan in xubno qaar kala wataan Ahlu Sunah, kuwaasoo ay u kala doonayaan in ay helaan xilalka ay ka raajicinayaan Dowladda KMG.

Guuxa maalmihii u dambeeyay muuqanayay ayaa ah xilalka Ahlu Sunah ay dooneyso in Dowladda ka hesho, kaasoo horay la isugu waafaqay, iyadoo ay jiraan xubno lagu eedeeyay in ay mu’aamarad iyo qaloocin wadaan.

Maanta ayaa lagu wadaa in Wafdiga Ahlusuna ka huleelaan Caasimada Muqdisho, waxaana xubnaha Wafdiga qaarkood maalmahan raadinayaan xal ku aadan muranka dhexdooda ee ah in shaqsiyaad xilal doon ah ay isu diidan yihiin.

Lama oga hadalka ka soo baxay Ahlu Sunah inuu kala qeybin doono Xubnahooda haatan u kala ordaya xilalka Dowladeed, waxaana la rumeysan yahay in Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow Gudoomiyaha Golaha Fulinta Ahlu Sunah maskaxda aadka ugu dhow uu yahay Axmed Cabdisalaan.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s