Madaxweynihii Nayjeeriya oo Dhintey

Madaxweynihii dalka Nayjeeriya Umaru Yar’Adua ayaa maanta la shaaciyey in uu dhintey kadib markii uu xanuunsanaa muddo dheer.

Afhayeenka Dawladda Nayjeeriya Olusegun Adeniyi ayaa sheegay in Madaxweynuhu dhintey isaga oo ay dhinaciisa joogto xaaskiisi Turai.

Yar’Adua Ayaa maanta oo khamiis ah aas loogu samaynayaa magaaladii uu ka yimid ee Katsina, waxaana loo samaynayaa xaflad waafaqsan diinta islaamka, waxaana dalka oo dhan laga samaynayaa 7 maalmood oo loo murogoonayo dhimashadiisa.

Umaru Yar’Adua oo ku dhintey 58 sano ayaa ka maqnaa xafiiskiisa tan iyo bishii Nofember ee sanadkii 2009, waxaana muddo sadex bilood ah lagu daaweynayey dalka Sucuudiga, xanuunkaas oo la xiriirey dhanka wadnaha, waxa uu diidey in uu awooda dalka wareejiyo, muddadii uu xanuunsanaa waxaana aad la isu weydiiyey aamusnaantii dheereyd ee ku saabsanayd xaaladiisa caafimaad.

Umaru Yar’Adua ayaa loo doortey xilka Madaxweynaha Nayjeeriya sanadkii 2007, waxaana uu ahaan jirey intaanu siyaasadda gelin Profosoor dhiga cilmiga chemistry-ga

Sida uu qabo sharciga dalka Nayjeeriya waxaa xilka Madaxweynaha si toos ah loogu dhaarinayaa Madaxweyne ku xigeenka Jonathan Goodluck, waxaana isla maanta xilka loo dhaariyey Jonathan, waxaana uu soo magacaabayaa madaxweyne ku xigeen, kadib waxa ay qabanayaan doorashada madaxweynaha bisha Abril sanadka 2011.

Xigasho Horseedmedai

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s