waanu ka shakinay deegaanada casayrland inay ku dhawaaqaan maamul ka madax banaan puntland

Shalay markii uu ka soo degay madaxwayne faroole boosaaso iyada oo halkaas ay ku soo dhoweeyeen tiro dad yar iyo hogaanka gobolka bari iyo kan degmada boosaaso madaxwaynaha ayaa loo galbiyey xarunta madaxtooyada magaalada boosaaso. madaxwaynahaya ayaa shir jaraa,id ku qabtay xarunta madaxtooyada isaga oo sheegay in maamulkiisu ay odayaal u direen degaanka garacad si ay wada hadal ula galaan burcada badeeda hadaba hadalkaas ayaa amakaag u noqday dadka ku dhaqan deegaanada puntland  sababta keentay in deegaano qaarkood la weeraro deegaanana odayaal loo diro si heshiis loola galo burcad badeeda.

Hadaba warar ku dhow dhow madaxwaynaha ayaa sheegayaa in maamulka puntlnd uusan deegaanada uu weeraray  uusan u weerarin arimo burcad badeed balse uu maamulku kaga shakiyey inay deeganadaas ay doonayaan inay maamul ka madax banaan puntland ku dhawaaqaan arintaas oo welwel ku abuurtay madaxwayne faroole ayna arintaas ku qasabtay in uu faroole ciidamo u diro degmada baargaal iyo degmada laasqoray,  deeganadaas oo ah kuwa uu maamulku puntland u arko deegaano aan ka tirsaneen puntland iyaga oo horay ugu dhawaaqay maamulo goboleedyo ka madax banaan puntland casayrland state of somalia iyo makhir coast state.

Hadaba ciidanka uu madaxwayne faroole u diray deegaanadaas ayaanan ahayn kuwa raadinaya burcad badeed iyada oo lawada ogsoonyahay xarumaha burcad badeeda ay ka hawlgalaan maraakiibta ay ku xirtaan balse ay u socdeen ama u tageen deegaanadaas inay soo fiiriyaan xaqiiqka dhabta ah iyo wax ay damacsanyihiin dadka ku dhaqan deegaanadaas iyada oo maamulka puntland shaki wayn kaga jiro beelaha deegaanka casayrland.

Madaxwayne faroole ayaa doonayo isbuucaan inuu ciidamo u diro deegaankaas si ay u garaan caasimada gobolkaas ee caluula tan ayaa ku soo beegmaysa dhowaan markii deegaanka caluula uu taliyaha ciidamada deegaankaas uu xariga ka jaray   dhowr saldhig ciidan oo tababar looga furay ciidamo badan taas oo shaki wayn ku abuurtay madaxwaye faroole.

Dirista uu maamulka puntland qorshaynayo inuu ciidamada mar labaad ugu diro deegaanka casayr ayaa noqonaysa mid abuuri karta xaalad dagaal oo dhex mara dadka deegaankaas iyo ciidmada maamulka puntland
eng abdalla mohamed mohamuud.

dorogbo5@hotmail.com
allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s