madaxwayne diyaano iyo madaxwayne faroole oo ka wada degay boosaaso

Magaalada Bosaaso ayaa shalay  waxa kawada degay Madaxwaynaha Pl C/raxmaan Faroole iyo Hogaamiyaha PISta Cismaan Diyaano, Labada Madaxwayne ayaa Si wada jir ah uga soo wada duulay Magaalada Jabuuti,Cismaan Diyaano ayaa la sheegay inay Diyaarad khaas ah ay ka qaaday Garoonka Jabuuti isaga oo Ku soo Jeeday Bosaaso, Halka Faroole iyo Wasiiradiisa ay ka duuleen Iyana Jabuuti kuwaasi oo Raacay Diyaarada Jabuuti taasi oo Rikaab u waday Bosaaso iyo Gaalkacayo in kastoo ay ku Horaysay Magaalada Bosaaso, Labada Hogaamiye oo aan xidhiidhkoodu Fiicanayd ayaa Wax yar igaya oo kala Horeeyay isku dhex arkay Garoonka Bender Qaasim ee Magaalada Bosaaso, in kastoo aanay isla Hadlin ama is Gacan qaadinba.
Cismaan Diyaano oo aan Safarkiisa Hore loo shaacin ayaa waxa Garoonka ku Sugay Ciidamadiisa kuwaasi oo Gadiid dagaal Banaanka Garoonka ay u Yaalaayeen, isaga oo loo Galbiyay Xarunta PISta

Sidoo kale Dr Faroole oo Garoonka Bosaaso ay ku Sugayeen Shacabka Aan saasi u badnay balse laga dhex Arkayay Maamulka G.Bari sida Duqa Bosaaso Maxmuud Faarah Beel-Daaje iyo Gudoomiyaha Gobolka C/Xaafid Cali Yuusuf ayaa Ku Sugnaa, Garoonka Diyaarada, Madaxwayne Faroole oo isna Loo Galbiyay Madaxtooyada Bosaaso ayaa halkaasi Kulan wareed ku qabtay waxana uu sheegay in Safar dheer uu ku Soo kala Bixiya Ethiopia, Kenya, Jabuuti, waxana uu Cadeeyay inay isla Garteen in Pl la Taageero walaw aanu Xusin Faroole taageerada ay kawada hadleen.
C/raxmaan Faroole oo Garabihiisa Fadhiyeen Wiilkiisa Maxamed C/raxmaan Faroole iyo Wasiirada ay ka mid yihiin Kan Duur-Joogta C/Qani iyo Wasiirka Waxbarashada Dr Juxa ayaa Kulan wareedka uu Madaxtooyada ku qabtay ku sheegay in Puntland ay Wararka Beenta ka Faafiyeen Kooxo diidan Hanaanka Nabadeed ee Maamulkaasi isla markaana Gacamo Shi Shiyeeye iyo Siyaasado kala duwan ay Lug iyana ku Leeyihiin.
C/raxmaan Faroole ayaa Warar Madax banaani Sheegayaan inuu Beelaha Gobolka Bari qaarkood la Kulmo kuwooda Talada Gobolkaasi ka Go’do sida Beesha cali suleymaan ,beesha siwaaqroon beesha dishiishe ,cali jibraa,iil ,beesha dubays ee warsangali iyo beelo kale  walaw aan ka sheegin Ujeedka dhabta ah ee ay wada hadlayaan, hase yeeshee Ilo Wareed ayaa sheegaya in Faroole Ka wel welsanyahay Siyaasiyiin badan oo aan xil ka ahayn Maamulkiisa inay is Gaashaan Buuraysi ka wadaan Gudaha Gobolka Bari waxan aad loo Tuhmayaan Ibraahim Cartan Ismaaciil Xaaji Bakiin oo Hub badan ku haysta Bosaaso iyo Wasiirkii Hore ee Amniga Gen-C/laahi Siicid Samatar kuwaasi oo Olale ka dhan ah Faroole La sheegay inay Bosaaso ka Wadaan.
Reer Bari ayaa la sheegay inay Ulo Buucale Ugu Tukubayaan Maamulka Faroole isaga oo waliba dhawaan intii uu maamulka hayey dulaan ku qaaday degaano ka tirsan gobolka bari sida mareera, galgala iyo degmada baargaal ee deegaanka casayr

Beesha siwaaqroon ayaa iyadu wada in ay ka go,do pland sababo la xiriira hogaan xumada xukuumada faroole oo waxa ay beesha siwaaqroon  hada ka hor ku dhawaaqeen maamulka goboleedka Casayrland  inkastoo barigaas la xaliyay khilaafki soo kala dhex galay beesha siwaaqroon iyo xukuumadi C/laahi yusuf  dad  u dhaw dhaw  hogaamiyayaasha beesha Siwaaqroon ayaa sheegaaya in ay ka go,an tahay in ay iskood isu taagaan .

eng abdalla mohamed mohamuud
dorogbo5@hotmail.com
allcasayr.com .

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s