News:-Mudane Madaxwayne faroole iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ku soo fool leh deegaanada Puntland

Madaxweynaha DG Puntland iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa ku soo fool deegaanada Puntland, kaddib markii ay soo dhamaysteen Safaro ay kusoo kala bixiyeen dalalka Ethiopia iyo Kenya.

 
Wafdigan uu madaxweynaha hogaaminayo ayaa lagu wadaa inay soo gaaraan deegaanada Puntland Maanta ama beri , iyadoo aan Saxaafada loo sheegin waqtiga rasmiga ah ee ay ku soo beegan yihiin deegaanada Puntland.
 
 Madaxweynaha iyo Wafdigiisa, ayaa safaradii ay ku soo mareen Dalalka deriska ah kula kulmay Madaxda dalalkaas iyo wadamada taageera soomaaliya, kuwaas oo ay kala hadlayeen Xaalada dalka soomaaliya iyo sii xoojinta wadashaqaynta Maamulka Puntland iyo beesha caalamka.
 
Madaxda Puntland ayaa intii ay ku sugnaayeen Nairobi waxay kaloo kulamo la qaateen Madax ka tirsan Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya , kaas oo lagu dhamaynayey Qilaaf xoogan oo horay u dhexmaray Maamulka Puntland iyo dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya, kaas oo guul la taaban karo laga gaaray, iyadoo heshiiskaas ay goob joog ka ahaayeen Safaarado shisheeye oo ay ka mid yihiin dalalka faransiiska, Maraykanka, Talyaaniga iyo Spain iyo hay’ada Qaramada middoobay.
 
Madaxda la socota Madaxweynaha, ayaa qaarkood waxay shaqo u aadeen Dalka Jabuuti, waxaana Safar asbuuc qaatay dalka Jabuuti ku aaday Dr. Cabdi Xasan Jimcaale, kaas oo Culuumta ku saabsan Qaanuunka iyo sharciyada iyo maamul wanaaga baarlamaanada cashar ugu jeediyey xubno ay soo xulatay dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya , kuwaas oo gaarayey 30 xubnood oo dalka Jabuuti lagu barayey Culuunta la xiriirta qawaaniinta baarlamaanka , kuwaas oo loo tababarayey DFKS. 
 
Waxaana wasiirku intuu Jabuuti joogay uu culayska saaray oo kale , sinaarana uu ku bixiyey sidii la isu waajin lahaa  labada sharci ee Puntland iyo kan federaalka u yaal, waxaana xubnihii uu casharadaas u jeediyey ay soo dhoweeyeen isfahanka ku saabsan iswaafajinta labada sharci ee Puntland iyo kan Federaalka ah , siminaaradaas oo ku soo dhamaaday isfahan buuxa
 
Safarka Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa ee  ku wajahan deegaanada Puntland, ayaa waxaa ku weheliya  Saraakiil sar sare oo ka tirsan maamulka Puntland uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Guddaha Gen. C/llaahi Ilkajiir, Wasiirka waxbarashada Puntland Juxaa, Wasiirka Dastuurka arrimaha Federaalka Dr. Cabdi Xasan Jimcaale, Wasiirka Garsoorka Puntland mudane,Cabdi Khaliif, W/dowlaha Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Mudane C/qaadir xaashi.
Warka puntlandpost.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s