Xisbul islam oo la wareegay gacan ku haynta magaalada Xaraardheere

Urur diimeedka Xisbul islam  ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Xaraar dheere oo ka tirsan gobolka mudug la wareegidaan ayaa hayd mid aan wax dagaal ihi ka dhicin.

Ciidamadan kooxda Xisbul Islaam ka socda ayaa la sheegay inay ku hubeysnaayeen dhowr gaadiidka dagaalka si ay ku soo waramayaan wararka ka imaanaaya magaaladaas

C/naasir Maxamed Afdhuub oo ah Afhayeenka Xisbul Islaam ee gobalada dhexe ayaa saxaafadda u sheegay in ciidamadooda ay tageen deegaanka Xarardheere kadib markii uu codsi uga yimid dadka ku dhaqan deegaanka, asagoo intaasi ku daray in ciidamadooda si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Xarardheere.

C/Naasir ayaa sheegay in mardhaw ay sheegi doonaan sababaha ay u tageen deegaanka Xisbul Islaam.

Sh.Maxamed Cismaan Caruus ayaa kamid ah xubnaha hogaaminaya ciidamada Xisbul Islaam ee galay deegaanka Xarardheere.

Magaalada Xarardheere ayaa ahayd xarunta burcad badeeda Soomaalida ee koonfurta dalka, halkaasi oo la sheegay inay hada isaga baxeen kooxihii burcad badeeda ee halkaasi ku sugnaa.

Waxaa horey usoo baxayey warar sheegaya in Al Shabaab Al Mujaahidiin ay ayagu qorsheenayeen inay deegaankaasi tagaan, walow ay hada soo baxday in Xisbul Islaam ay hada la wareegtay deegaankaasi.

Xubnaha ka socda Xisbul Islaam ayaa sheegay inay ka fulin doonaan deegaanka Xarardheere shariicada Islaamka.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s