Qaar ka mid ah dhaawacyadii qaraxii Masaajidka Bakaaraha oo geeriyooday

Qaar ka mid ah dadkii shalay ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Masaajidka Suuqa Bakaaraha ayaa lagu soo waramayaa in dhaawacooda ay ku geeriyoodeen Cusbitaalada Muqdisho.

Sida ay sheegayaan wararka dhaawacyadan oo ahaa kuwo aad u liitay ayaa ku qudh baxay xalay Cusbitaalada la geeyay, sida ay soo wariyeen Dhaqaatiirta Caafimaadka.

Tirada Dhimashada oo aan wali jaan go’neyn ayaa caga cageyneysa in ka badan 40-ruux, halka dhaawacuna uu marayo ku dhowaad 80-ruux, waxaana ay isugu jiraan kuwo dhaawacyadooda ay culus yihiin.

Cusbitaalada Madiina iyo Keydsaney oo la dhigay dhaawacyada ayaa waxaa uu ku mashquulsan yahay la tacaaladi howlaha lagu baxnaaninayo dadkaas oo shalay ku baaba’ay qaraxyo is xigay oo ka dhacay gudaha masaajid ku yaala Suuqa Bakaaraha.

Dhaawacyada qaar ee ku jira Cusbitaalada ayaa la soo sheegayaa in qaarkood ay ku waayeen xubnahooda muhiimka ah qaraxyada, waxaana la sheegay in ay isugu jiraan kuwo qaar gacmaha ka go’ay iyo kuwa lugaha ka waxyeeloobay.

allcasayr.com

 

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s