Xarakada Al-shabaab oo soo bandhigay filim muuqaal ah oo ku saabsan qaraxii is miidaaminta ahaa lala beegsaday xarunta ciidamada AMISOM ee Bankiga Ganacsiga

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Sheekh Cali Maxamud Raage (Cali Dheere) ayaa waxa uu saxaafadda u soo bandhigay filim muuqaal ah oo uu kaga hadlayo qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maalin ka hor qof naftii hure uu kula beegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay xarun cusub oo ay ciidamada AMISOM ka samaysteen Bankigii Ganacsiga.
//

//
Sheekh Cali dheere wuxuu sheegay in qaraxa ay fuliyeen labo ka tirsan mujaahidiinta oo lagu kala magacaabo Axmed Maxamed Yuusuf iyo C/laahi Yaasiin Carraale a(Mudathir) iyadoo filimka muuqaalka ah lagu soo bandhigay dadka fuliyay qaraxa is miidaaminta ah oo samaynaya diyaar garow sida salaad sunno ah iyo dardaaran uu u jeedinayo walaalaha Mujaahidiinta ah.

Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sheekh cali dheere wuxuu sidoo kale soo bandhigay muuqaallo muujinaya sida ay ahayd bankigii Ganacisga ka hor inta uusan qaraxa ka dhicin halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamada Midowga Afrika iyo gawaarida, wuxuuna intaasi ku daray in dhowaan ay soo gudbi doonaan muuqaal kale oo muujinaya sida ay qasaaraha u gaarsiiyeen.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s