Wasiirka Arrimaha dibadda iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka ku soo laabtay.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jingeli iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa  Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kadib markii uu Magaalada Qaahira ee dalka Masar uga soo qeyb galay Kulankii ay isugu yimaadeen   Kooxda Xiriirka caalamiga ah ee International  Contact Group.

Wasiirka arrimaha Dibadda oo markii uu dalka kusoo laabtay kadib la hadlay warbaahinta o ayaa sheegay inuu Magaalada Nairobi kulan kula qaatay Masuuliyiin ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay gaar ahaan Kooxda la socodka Cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, kuwaas oo Wasiirku kala hadlay Warbixintii ay soo saareen Kooxda Monitring Group, waxayna is dhaafsadeen  Aragtida ay Dowladdu ka qabto Warbixintaasi, isagoo intaasi ku daray in ay ku heshiiyeen in la baaro qaar ka mid ah Qodobadii lagu xusay Warbixintii ay soo saareen Kooxda SMG.

Mudane Cali Axmed Jaamac Jingeli ayaa sidoo kale tilmaamay in Qodobbadii lagu qoray Warbixinta qaarkood ay ahaayeen kuwo been abuur ah, kuwaas oo ay ka mid tahay in laga been sheegay Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ay warbixintu ku tilmaantay in tiro aad u faro badan ay kaga biireen Kooxaha Mucaaradka, wasiirka ayaa qiray in la isku afgartay in la xaqiijiyo eedeymaha loo soo jeediyay Qaar kamid ah Golaha Wasiirada iyo Hay’adiha kale ee ay ku socotay Warbixintaasi.

Hadalkani uu jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jingeli ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Dowladda KMG-ka Soomaaliya ugu jirto in ay ku xaqiijiso eedeymihii loo soo jeediyay qaar kamid ah Masuuliyiinta Dowladda iyo Xubno kale, kuwaas oo ay warbixin ahaan u soo jeediyeen Kooxda kooxda lagu magacaabo SMG.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s