Samuel Eto,o la,aantay Barcelona cup ma qaadi karto iyo Zlatan Ibrahimovic oo uu waydarsaday Champions league

Waxaa caawa dhacday cayaar aad loo sugaayay oo dhex maraysay laba kooxood ee kala ah Barcelone iyi Inter milano oo kala ah spain iyo italy cayaartaan oo ka dhacaysay  Stadium Nou camp oo ah garoonka Barcelone .

Cayaartaan ayaa ahayd mid loogu soo baxaayo finalka cupka UEFA Champions league ee qaarada yurub Cayaarta ayaa waxay ku bilaabantay dardar weerareed oo ay qaadayso kooxda haysata horyaalnimada qaarada yurub ahna kooxda ugu awooda badan kooxaha aduunka iyo Inter milano oo difaacanaysa guushii ay ka soo hooysay kulankii koowaad ee ka dhacay cariga talyaaniga ee Stadio san siro oo ah garoonka Inter  kulankaas oo ku soo dhamaaday 3_1 oo ay guushu racday kooxda reer talyaani ee Inter milano.

Waxay cayaartu weerar iyo iska difaacid ku jirtoba daqiiqadi 28 ayaa kaarka guduudan ee lagaga baxo garoonka waxaa la siiyay laacibka difaaca uga dheela naadiga inter  Thiago Motta halkaas oo naadiga inter ay ku soo hareen sagaal qof.

Wax la isa saaraadoba waxaa daqiiqadi 84 gool u dhalilay naadiga barcelona laacibka dhanka daafaca uga dheela Gerard Pique rajada barcelona ayaa waxay ku xiray in ay keensato 2gool goolkeedana ka difaacato Inter cayaartii ayaa waxay ku soo dhamaatay 1_0 waxayna halkaas guushu ku raacday oo filanka u soo baxday kooxda Inter milano oo ay isgu imaanayaa finalka cupkaan nadiga Bayern munchen oo ka dhisan dalk Jarmeny waxayna ka dhacaysaa cayaartaanu 22/05/2010 garoonka Estadio Santiago Bernabeu oo ah garoonka naadiga Real madrid

waxayna ahaanaysaa cayaar u dhaxaysa labada macalin ee kala ah  Jose Mourinho iyo Louis Van Gaal labadaan macalin ayaa ah kuwo sumcad ku leh horyaalada qaarada yurub kooxo waawayna soo layliyay inkastoo kooxda Inter ay ka yara awood badan tahay naadiga Bayern Munchen balse waa midaan la saadaalin karin .

Haddi aan u soo noqdo cayaarti caawa dhex martay Barcelone iyo Inter labadaan naadi ayaa waxa ay kala badasheen laba laacib ee afka hore ka dheele ee kala ah Samuel Eto,o iyo Zlatan Ibrahimovic laacibka samuel eto,o ayuu badiskaanu muujinayaa in aan Barcelone la,aantiis socon karin koobabkana uu isagu u soo qaaday  Zlatan ayaan oran karaa waa waydaartay cupka Champions league oo ahaa mid uu ku haminaayay inuu qaado  macalinka kooxda Barcelone Pep Guardiola ayaa ka caayriyay naadiga Barcelone Sumuel eto,o oo waliba si quursi ah loogu badashay Zlatan lacagna loogu daray kooxda Inter  Eto,o caawa guushaanu waxay u ahaanaysaa mid sii laba jibarta Jacaylka ay u qabeen taageerayaasha Barcelone .

Idiris Makiinad Dooxajog

Allcasayr.com

Leave a comment

Filed under SPORTS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s