Shiikh Xasan Daahir oo canbaareyey heshiiskii ay wada gareen Dowlada Soomaliya iyo Axmed madoobe

Shir jaraa’id oo uu qabtey manta gudoomiyha ururka Xisbul Islam Shiikh Xasan Daahir Aweys ayuu ku sheegay mowqifkiisa ku aadan heshiiska ay wada gareen dowlada Soomaliya iyo hugaamiyahoodii jubbooyinka Shiikh Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo dowlada Soomaliya.

Waxaa uu shegay in aysan aqbali karir heshiiska la shegay in ay wada gareen Axmed Madoobe oo ka tirsanaa ururkooda iyo wasiir dowlada ka tirsan, isla markaasna uusan kala tashan Xisbul islaam markii uu ku dhaqaqayey tasna ay urur ahaan ka soo horjeedaan ayna aqbali Karin arintaas.

Dhanka kale waxaa uu shegay in uu ahaa Shiikh axmed madoobe mujaahidiintii qabatey Gobolda jubbooyinka ka dibna Xarakda Shabaab ay kula dagalameen halkaasi isla markasna ay ugu dareen in ay yiraahdaan waa rido laakiin ay aheyd in uu uu iska samro lakiin xiligaan aysan aheyn in uu ku biro dowlada.

Sidoo kale waxaa uu shegay in ay dhow jeer kala hadaleen in wadahadal lagu dhameeyo wixii dhexmarey Xarakada shabaab balse uu xiligaan sameyey wax aysan la socon ayna bari ka yihin.

Hadanlka Maanta uu ka dhawaajiyey hugaamiyha Xisbul Islaam aya soo baxey ka dib markii ay Nairobi ku heshiiyeen Wasiirka gaadiidka Cirka iyo dhulka ee dowlada Soomaliya Prof Maxamed Cabdi Gaandi iyo Shiikh Axmed Madoobe kala saxiixdeen sidi loola diriri lahaa Xarakada Shabaab eek u sugan Jubbooyinka

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s