Qarax ay waxyeello ka soo gaartay saraakil ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo xalay ka dhacay Degmada Diinsoor iyo bandow saakay lagu soo rogay degmadaasi

Waxaa xalay degmada Diinsoor ee gobolka Bay ka dhacay qarax bambaano oo ay waxyeello ka soo gaartay saraakiil ka tirsan Maamulka Xarakada Al-shabaab ee degmadaasi oo uu ku jiro guddoomiyihii degmadaasi oo lagu soo warramayo inuu dhaawac fudud ka soo gaaray qaraxaasi.

Qaraxan oo ahaa nooca gacanta laga tuuro ee loo yaqaan bambaanada ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday masuuliyiintaasi ka tirsan Xarakada Al-shabaab xilli ay ka soo baxeen masjid ku yaalla gudaha degmada oo ay ku soo tukadeen salaadda cishaha, waxaana ku dhaawacmay qaraxaasi shan ka tirsan saraakiisha Xarakada Al-shabaab oo uu ku jiro guddoomiyihii degmadaasi.

Lama garanayo sababta dhabta ah ee ka dambeysay qaraxa bamaanada ee lala eegtay masuuliyiintaasi ka tirsan Xarakada Al-shabaab ee degmada Diinsoor iyo cidda ka dambeysa, iyadoo ay noqoneyso markii ugu horreysay oo ay saraakiil ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab qarax lagula beegto goobo ay ka taliyaan ciidamadooda.

Dhinaca kale waxaa saakay bandow lagu soo rogay degmada Diinsoor ee gobolka Bay kaddib markii ay xaafadaha kala duwan ee degmadaasi soo buux dhaafiyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab kuwaasi oo bilaabay baaritaano ay ku samaynayaan guryaha degmada, waxaana lagu soo warramayaa inay hakad ku jiraan dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isu socodka dadka iyo gaadiidka.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s