Dooro mid danta guud ka shaqeeya!

sida aan wada ognahay pland waxaa la asaasay 1augsto 1998 waxaayna ku heshiin dhamaan beelaha dagan deegaanada pland in ay samaystaan maamul madaama aysan jirin dawlad dhexe waxaa
loo asaasay in ay ahaato meel ay ku soo hirtaan walaalaha somaliyeed ee ka soo barakacay deegaanada ay colaadu ka jirto nolol tii ay ka yimadeen dhaantana ka helan dadka daganina ay nabad ku noolaadaan somaliwaynna la raadiyo.
hadaba waxaay noqotay taasu mid aan dhicin oo waxaay ku sifoowday pland meel lagu dhibaateeyo walaalaha somaaliyeed ee gabaadka soo biday pland waxaana rabaa in aan wax ka sheego dhibatooyinka balaaran ee pland loogu gaysto walaalaha soomaaliyeed ee aan u dhalan deegaanadaas
waxaa jirta in marka fal dambiyeed dhaco loo soo qabqabto dadka aan u dhalan deegaanada pland dambigaasna lagu soo oogo oo dusha laga saaro maxkamad ku sheegna la horkeeno oo la yiraahdo waa dambiilayaal halkaasna xakun lagu rido qofkaas dambiga uusan galabsan lagu xakumay ayaa ahaada mid mudo ku jira jeelasha magaalooyinka pland amaba la qisaaso .
waxaa iyana jirta in dadka somaliyeed ee ka soo jeeda somali galbeed ay pland noqotay meel lagu gado oo cadawga somaliyeed ee itobiya loo geeyo dadkaas iyaga oo la leeyahay waa ONLF waxaan dhamaanteen wada ognahay in xornimadoonkii xoriyada loogu raadinaayay walaalaha somaaliyeed ee ku dhaqan dhulka somaliyeed ee ay haysato dawlada itobiya ay ku dhinteen kumanaal somalia ah si xoriyadooda ay u helaan walaalahaasu hadaba dadka iyagu taas iska indho tiray oo yiri somali ma ahan dadkaasu runtii waa kuwo lagu sifayn karo dad aan damiir lahayn .
waxaa kaleeto oo jirta in deegaanada pland marki la waayo macaawinadi WFP ama ay daahdo la gubo goobaha ay dagan yihiin dadka soo barakacay sababta loo gubaana ay tahay in la soo dadajiyo macaawinadaas daahday waxaana dhacda in mararka qaar ay dadku dhintaan dabkaas la qabadsiiyay ruggihii ay ku noolaayeen dadkaas masaakiinta ahi oo ahaa awalba kuwo qoraxda uun ay ka galaan markii la keeno macaawinadaasna ay dadka maamulka taladiisa hayaa suuqyada ka gataan dadkii masaakiinta ahaa ee madaxooda lagu keenayna aysan waxba ka soo gaarin badkaan lagu gubaayo guryaha cooshadaha ah ee dadka soo barakacay ay dagan yihiin ayaa ah mid sanad walba dhaca.
waxaa iyana sanadaadaan ka soo cusboonaaday deegaanada pland burcad badeed waa mid iyana ku keentay dhib baaxad wayn dadka somaaliyeed ee u soo hayaamay deegaanada pland maamulka pland ayaa had iyo jeer waxa uu caadaystay in uu soo xirxiro dad masaakiin ah oo ka soo jeeda koonfurta somalia oo uu yiraahdo waa burcad badeed ka dibna caalamka la tuso oo la yiraahdo waan ku raad joognaa burcad badeeda waana ka sifaynaynaa deegaanada pland dadkaa masaakiinta ahna tusaale looga dhigo.
waxaa kaleeto oo jirta pland in laga aasaasay ciidamo la yiraahdo PIS oo ay dadka somaliyeed u bixiyeen (Ashahaado la dirir) ciidamadaan ayaa ah kuwo had iyo jeer dhibaateeya wadaadada somaliyeed iyaga oo inta badan bartilmaamaysta kuwa ka soo jeeda gobolada kale ee somalia sababta oo ah waxaa ka imaanaaya isku dhac haddi wadad u dhashay deegaanada pland la xiro ka dibna la gato runtii qorshahaan ayaa ah mid aad u xun.
hadaba maxay ku dhacdaa in maamulada isaga dambeeyay pland ay ahaadaan in midba midka ka dambeeyaa ka daraado kii hore? maxaa golaha wakiilada pland u soo doortaan qof la yimaada arimo ka dhan ah shareecada islaamka iyo xuquuqda aadamaha? ,maxayse u soo dooran waayeen qof ay dani ugu jiro dhamaan shacabka somaliyeed gaar ahan shacabka pland? su,aalahaan jawaabtooda shacabka ayaan u dhaafayaa
haddi aan isku dayo in aan wax ka sheego muxuu maamulka pland u qabtaa dadka reer pland ee cashuurta bixiya ? waxaan wada ognahay in maamulka pland uusan haba yaraatee wax adeeg bulsho ah uusan ka shaqayn dadka ku dhaqan deeganaad plandna ay bixiyaan cashuurta cashuurtaas ay bixiyaana la dhunsado oo ay ku dhamaato wax la yiraahdo fadlan oo sidaan wada ognahay dhaqaalaha pland badankiis waxa uu ku baxaa adeeraw ii qor fadlantaan maxaa kaa galay dadkuba waa guranayaane waxaa jirta in ciidan ku sheega pland aysan qaadan wax mushahar ah iyo dhamaan shaqaalaha maamulku oo ay si dadban u qaraabtaan sababta keentayna ay tahay ruux aan mushahar qaadanayn waxa uu ku kacaayaa in uu sameeyo wax is daba marin ama musuqmaasuq waxa loo yaqaan, hadaba shacabka reer pland waa inay ahadaan kuwo is waydiiya horta maaxad u bixisaan cashuurta oo la idiin qabtaa dadkuna awooda iyaga ayaa iska leh xiliga doorahsada oo qabiil walbi xildhibaanka uu keensanaayo waa inuu yiraahdaa mid dadka wax u qabanaaya codkaaga sii ,xildhibaankuna waa inuu ogaadaa in uu dambigeeda wax ku lee yahay haddi uu soo doorto mid dhibaataynaaya shacabka somaaliyeed oo isagu aan u nixi hayn qofkaas oo aad sifadiisa ka arki doontaan gabayga aan ku soo gunaanadayo qormadayda qaybta khusaysaana ay tahay ruuxaas isaga ah (Haddaan lagu sallidin raggaan u nixin shacabka Soomaali)
Marki aan dib u jacelo sababa loo aaneeyo burburka soomaalia ayaa ah mid la yiraahdo waxaa ka dambeeyay shakhsiyaad ka soo jeeda deegaanada pland oo iyagu aasaasay jabhaddi ugu horaysay oo ka soo horjeesata xukuumadi kacaanka jabhadaan ayaa ahayd mid noqotay sutaale xaraan ah loo lagu dayday isla markaana ay reer walbi samaystaan jabhad jabhadahaas ayaa ahaa kuwo dadka hogaamiyaa ay ku beerlaxawsadaan dadka ay ka dhasheen xukumadaanu waa ina baabisay waxay inoo dhibaataynaysaa hab qabyaaladeed dadkiina ay badankood fikirkaas qaateen kana soo horjeesteen kacaanki barakaysnaa kuna taageereen maal iyo muruqba jabhadihii, runtii waxaan oran karaa ragaas ku fikiray in ay midnimada somalia burburiyaan waxa uu hadafkoodu ahaa inaysan ka jirin somalia dawlad haddi ay ku doodaan waxaa naloo gaystay tacadiyo oo ay nagula kacday xukuumadi kacaanku waxaa jirta dawladi ma ogolaato wixi midnimada ka soo horjeesta waana la dirirtaa oo qaranimada ayaan wax walba la siisan karin.
haddi aan wax ka xuso wax qabadkii xukuumadi kacaanka ayaan anigu oran karaa waxay ahayd mid aan dawladi uga horayn somalia ugana dambayn waxa ka mida waxyaabaha ay qabatay xukuumadi kacanku.
1: Oct 21, 1972: Waxaa si rasmi ah loo qoray Afka Soomaaliga oo wixii xilligaas ka horeeyey
aan qornayn, balse Soomaalidu weligood ku hadli jireen.
2: waxay somalia badankeed ka samaysay wadoooyinka laamiga ah
3: waxa ay keentay xukuumadi kacaanku barnaamij loogu magac daray iskaa wax u qabso
oo runtii mid loo aayay ah laguna dhisay rugaha adeegyada bulshada iyo kuwa
shaqaalah dawlada oo ilaa maanta la isticmaalo.
4: waxa ay xukuumadi kacaanku aad ugu hanwayneed helitaanka shanta soomaaliyeed.
5: Gurigii umada.
6: Xarunta ururka dhaq dhaqaaqa iskaashatooyinka.
7: Matxafkii qaranka.
8: Dugsiga tababarka shaqaalaha.
9: Jaamacada Umada.
wax qabadki xukuumadi kacaanka ayaa ah mid aan la soo koobi karin
waxaa ay la diriraysay qabyaalada oo ah mida maanta somalia heerkaas soo gaarsiisayoo uu soo saaray Jaalle Mohamed SIyaad kalmada Jaalle oo uu yiri halki ina adeer ayaynu ku badalnaynaaruntii dadku waxa ay u bixiyeen Madaxwayne Siyaad allaha u naxariisteeaabihii garashada waana mid aan anigu oran karo waa ahaa waana istaahilay magacaas
waxaan qormadayda ku soo gabagabaynayaa gabay ka mid ah gabayada ay tiriyaanabwaaniinta soomaaliyeed oo uu tiriyay abwaan Nuux Siciid Naxar(Nuux Lugeey) allaha u naxatiistee haddi aan waxyar ka xuso abwaanka , abwaanku waxa uu ka soo jeedaa deegaanad hada loo yaqaano Casayrland gaar ahaan magaalada caluula oo ah halka uu ku dhshay kuna soo barbaaray waxa uuna ka mid ahaa shaqaalihi ka shaqayn jiray guriga umada somalia waxaa dhici jirtay sidaan maqlay in maalin kasta oo talaado ah ay shaqaalah dawladu isugu yimaadaan hanuuninta maalin ay isugu yimaadeen shaqaalulu kulankaas ayaa Abwaan Nuux oo la yaabay carcarti mushkiladi bilawga ahayd ee balaayada soo waday noqotayna mid sida uu ku siyeefeeyay u dhacday ayuu mariyay maansadaan oo ah mid taariikhi ah oo la is oran karo sidi dhabta ah ayuu u mala awaalay abwaanku waxa uuna ugu magac daray gabaygaan (Nin maqan tabidii waa nin jooga ceebtii)
“Sabca iyo sabciin baan jiraa maalmo saa’ida’,
Suugaanta maansadana hantiyey sa iyo wowgeede,
Waxaaan saxay waxaaan saadiyey iyo waxaan samayn doono,
Aan sawiro bal maantana halkaan saanta dhiganayno,
Soddon sanaba qaran baan ahayn calan u saaraaye,
Saldanadiina adkaystaan lahaa yaan la saabiline,
Saracadaan lahaa labada webi dooxadaan sare’e,
Soomaali sidii aan la rabay diiday samahiiye,
Saluugtoo midnimadii nacdaye hoog ma wada saaqay,
Waa maxay sawaxaankiyo haddaba salawga yeeraaya,
Su’aashaa jawaabteeda sugan sidatan weeyaane,
Soddon qaad rasaastiis aan sinaba loo waayin,
Saqiir iyo toban jirkiinii sitaad nabad sugaysaane,
Safar la laayiyo naflahaan salashay laabtiisu,
Sanaadiiqda lacagta laga buuxiyee dibedda loo saaray,
Saqiir ooyi hooyada sawaxi oday gacamaha sayrin,
Sirqa baahan dhalinyaro sahwiday oo gaajo ay solatay,
Suuq ololay beesada sabayn aan qaar indhaha saarin,
Saraha dabaqa dheer Laanguruus nimanka saanyooday,
Safkayaga dhergaaya oon bulshada eegin siliceeda,
Seedaha sokeeyaha is jaray nabadda seerowday,
Sulfaha dhacay abaaraha sanqaray waxaakan sooyaamay,
Saddex Allifle Jannankii ka biqi yeyna soo maraye,
Sababaha dhibaatadan ku timid waa la soconaaye,
Soomaaliyey Kitaab beenah baa saan inoo galaye,
Saatirkeenna ma loo noqonayaa weyna saamixiye,
-==oo==-
Sugaanta meeeshaan la rabay waa nigaa sugaye,
Siyaadkaa noo sareeyiyo intuu sahanku noo muuqdo,
Saxiixiisu intuu soconayaan siinad leenahaye,
Haddaan siigo kicin maalintuu talada siidaayo,
Haddaan lagu sallidin raggaan u nixin shacabka Soomaali,
Haddaan saanad culus laysla dhicin Xamarna saaltaynin,
Sacabada haddii ayaan dhigan taajirradu suuqa,
Niman sarara weynaa hadeyan saxar ka sii dhuuban,
Sagaal goor hadaan laga darraan kaa na kala soocay,
Siyaadow, Siyaadow haddaan waaya lagu suuxin,
Soo celi Allahayow haddaannu noqonin sowdkiinu,
Soomaali wacal baan ka ahay ee saa ha la ogaado !”
W.Q Idiris Makiinad Dooxajoog
allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s