Wasarada Deeganka Dawlada Puntland oo Maantay soo bandhigtay mashaaric Biyo Xireen ah oo laga Fulinayo Gobolada Nugal iyo karkaar.

Shirkaan ayaa Waxaa uu aha shir ku Saabsan Mashaariic ay soo Bandhigtey Wasaaradu Taaso ah Mashaariic Biyo Xireen ah Wasaaradu ay ka Fulineysaa Mashaariicdaan Gobolka Karkaar Qeybo ka mida iyo Qeybo ka Mida Gobolka Nuugaal.
Waxaa ugu Horeyntii Shirkaan Furay Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Deegaanka Daaqa iyo Duurjoogta Dawlada Puntland Mudane Cismaan Cawad Waxaana uu Wasiirku Sheegey Mahiimada ay Bulashada Reer Puntland u Leedahay Mashaariicdaan.

Dhinaca Kale Wasiirka Ayaa Sheegay iney Jiraan Dhul Faro Badan oo Qarka u Saaran inuu Noqdo Togag Waaweyn iyadoo uu intaasi ku Daray in Qofkastaa oo Reer Puntland ah inuu Masuulid ay ka Saarantahay Dhulkiisa iyo Deegaankiisa.

Shirkaan oo ay ka Hadleen Masuuliyiin uu ka Mid yahay Wasiirka Maamul Wanaagada Dawlada Puntland Mudane Maxamed Faarax Ciise Gaashaan, Masuuliyiin ku Hadlay Afka Madaxda Gobolka Nuugaal iyo Wakiilo ka Kala Socdey Ha’adaha UNICEF Iyo ILO oo iyagu Sheegey iney Mashaariicdaan ku Deeqeen Xukuumada Jaban.

Mashruucaan Biyo Xireenka ah ayaa Waxaa Fan ku Bixiyay Hay’adaha UNICEF Iyo ILO Waxaana Wakiiladii u Hadlay Ay Sheegeen iney Mashruucaan ay ka Faa’iideysan Doonaan Boqolaal Dhalinyaro Reer Puntland ah .

Shirkaan ayaa Waxaa uu kusoo Dhamaadey Jawi aad u Macaan iyo Sidii Loogu Talagalay Waana Markii ugu Horeys oo Deegaanada Puntland Laga Hirgaliyo Mashruuc Biyo Xireen ah.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s