Xaflad ballaaran oo si heersare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Hotel Seed eek u yaala magaalada Bosaaso, kaasoo lagu furayay xafiiska isku xirka dhalinyarada Casayrland ee Qaybtiisa magaalada bosaso (Daawo Sawiradi Xafladaas)

Waxaa maanta ka dhacday hoolka shirarka ee  hotel seed xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay xafladaas ayaa ahayd mid loogu dabaal dagaayay laguna furaayay xafiiska cusub ee urur waynaha Casayrland youth union  CYU  oo laga furay magaalada boosaaso.
Xafladdaas waxaa ka soo qaybgalay dhammaan bulshada qaybeheeda kala duwan sida isimada, aqoonyahanada, culumaaudiinka iyo ganacsatada kuwaasoo dhammaantood uwada riyaaqay dadaalka dhalinyaradu ay wado kuna daray inay meeshaas ka sii wadaan ee aysan ka gaabin hawlaha xawliga le ee ay wadaan.
Ugu horayn waxaa halkaas khudbad xiiso leh oo isugu jirta ujeedada ururka iyo baraarujin dhinacyo badan taabanaysa ka soo jeediyay guddoomiyaha ururka C/laahi maxamuud Siciid kaasoo ka dhiidhiyay dhibta ina haysata isagoo u hadlayay si xamaasadi ku jirto odayaashana ka codsaday inay meesha iska qaadaan kana ka can hurdada Sidoo kale waxaa lagu soo dhoweenay Ururshe Yaasiin Guddoomiye K/xgeenka ururka kaasoo dhaleecayn wen u soo jeediyay kuna hadlayay hadlo kaftana isagoo sheegay meesha aanu joogno inay na dhigeen odayaashu loona baahanyahay inay ogadaan isbedel deg-degana layimaadaan si horumar loo gaaro.
Kadib waxaa hadalka lagu soo dhoweeyay Guddoomiyaha Degmada caluula Xareed Ciise Cumar, waxa uu yiri waa inuusan noqon ururakani waxa la soo qaado oo meesha laga tago waa naynu la shaqaynaa oo taageero buuxda siin ka odayaal ahaan isagoo sii wata hadalkiisa waxa uu yiri guuoomiyuhu waxkasta diyaar ayaanu idiin la nahay dhalinyaro ee kordhiya xawaarihiina una shaqeeya si daacada.
Intaas ka dib waxaa hadalka qaatay Guddoomiyaha Baargaal Axmed Guray kaasoo sheegay inuu ku faraxsanyahay heerka dhalinyaradu marayso iyo sida ay u dadaalayaan loona baahanyahay in la garab istaago diyaarna u ahay inaan la shaqeeyo.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Nabadoono aad u fara badan oo ay kamid yihiim Nabadoon Xuseen Maxamuud Car-car- kaasoo ku dheeraaday dhibaatooyinka ka jira deegaanka iyo sdii looga saari laha dhalinyaradu kaligood ma shaqaynayaa eewaa inaynu la shaqaynaa si ay uwada guulaysano.

Caaqil Siciid saalax Ismaaciil ayaa ugu baaqay dhamaan jaaliyada iyo ganacsatada degaanka in ay taageeraan dhalinta u kacday ay wax ka badalaan degaankooda.

Suldaan Maxamuud Yuusuf Saalax (Aw-baraa) ayaa ku dheeraaday qorshaha dhalinyardu ay ku guulaysankaaraan taasoo uu ku tilmaamay inay u istaagaan sidii ay deegaanka wax uga qabanlahaayeen loona baahanyahay inay dhalintu layimaadaan wax qabad lataabankaro.

Nabadoon Maxamed Qaybdiid oo ku aamanay dhalinaradu inay ku dayasho mudanyihiin maxaa yeelay hada ka hor maanan arag shir noocan oo kale ah oo dhalinyo heerkaas leh ay isugu yimaadaan hawlahaas wadaan, dhalinyaroy anagu waxaanu naha qorax casar joogta ee waa inaynu wada shaqaynaa inta aanu wada joogno diyaarna waxaa idiin la nahay taageero buuxda.

Suldaan Cumar Jaamac yuusuf ayaa isu qatay hadalka kasoo kamida xubin muhiima ururka dhalinyarada isagoo sheegay inuu isagu yahay dhalinyaro cuslaatay yahana oday kana shaqaynayo horumarka bulshada garabna joogo dhalinyarada loona baahanyaha inay odayaashu ula shaqeeyaan sidaan ula shaqaynayo dhalinteena si aynu horumar u gaarno.

Ugu danbayntii waxaa xafladda soo xiray Beeldaajaha Cal-bari Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin isagoo yiri farxad ayay ii tahay ururkii ugu hareeyay ee beeshu yeelato inaan daah furo maanta waana waxa lagu farxo isagoo sheegay in dhalinyardu ay xawli ku shaqaynayaan lalana shaqeeyo dhalinta si ay u guulaystaan

Maanta waan faraxsanahay waayo casayrland waan jeclahay magacaas, waana inaynu ka shaqaynaa sidii ay u guulaysan lahaayeen dhalinyaradu.

Gunaanadkii xafladda ayaa waxaa duceeyay beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo aaad ugu duceeyay ururka iyo dhammaan beesha oo idil.Xafladiina waxay ku soo dhammaatay jawi aad u wanaagsan.
Waxa  isku  soo  duba  riday  warbixintan xiriiriyaha guud ee  networka
MUDANE       Maxmuud  shire  cisman  {faatax}

allcasayr.com

4 Comments

Filed under NEWS

4 responses to “Xaflad ballaaran oo si heersare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Hotel Seed eek u yaala magaalada Bosaaso, kaasoo lagu furayay xafiiska isku xirka dhalinyarada Casayrland ee Qaybtiisa magaalada bosaso (Daawo Sawiradi Xafladaas)

  1. Bashir Yussuf

    Alle ayaa mahadaas balaaran leh asaga awoodiisa ayay ku sugnaatey, Ka dib waxaan u mahad celinayaa dhamaan xubnihii ka mid ahaa dhalinta Caseyrland oo soo abaabushey xafladaas, Waxaa mahad leh dhamaan odayaasha caaqiliinta iyo siyaasiyiinta kasoo qeyb galay barnaamijkaas, Dabcan dhalintu waa lafdhabarta umad walbo, dadkaan deegaanadaan dagana waxaa usoo furmey taariikh cusub maadaama ay dhalintoodii horey u socod bilaabeen., Guul ayaan inoo wada rajaynayaa.

  2. mohamed saed

    Aad baan ugu faraxsanahay kulankaan inuu qabsooomo waxaana leenahay halkaas kawada guul bay ku dhamaanaysa iyo horomar ..

  3. waaaaaaaaaaaaw adaan ugu faraxsanahay xafladaan balaaran oo kadhacday magaalada boosaaso gaar ahaan hotel seed adaanaa usugeynay in laga furo officeka ururka C Y U masha allaaaaaaaaaaaaaaaah

  4. walaayaal waa wax aan sugaynay in xaflad balaaran ay kadhacdho

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s