Dawlada Somalia oo Shaacisay in Baasaboorka Somalia Looga Qaadan Karo Dalka Tilyaaniga.

Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in Bixinta Baasaboorka Cusub ee Soomaaliya maanta oo axad ah ay ka bilaabatay dalka Talyaaniga.
Taliyaha waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Janaraal C/laahi Gaafoow Maxamuud ayaa warbaahinta  u sheegay in lagu guulaystay in Soomaalida ku nool qaaradda Yurub ay Baasaboorka ka qaataan dalka Talyaaniga ka dib dadaalo xooggan oo ay sameysay Waaxdu.
Safaaradda Soomaalida ee dalka talyaaniga ayaa si toos ah looga qaadan karaa Baasaboorka Cusub (E baasaboor), wuxuuna intaa raaciyay Taliyuhu in dhawaan la gaarsiin doono waddamo kale oo caalamka ah.
Horay waxaa looga qaadan jiray Baasaboorka waddamo ku yaala Afrika iyo Asia, hadda waxaa noo suuro gashay Talyaaniga, Dhawaana waxaan ka hergilin donna dalka Masar oo dad badan oo Soomaali ah ku nool yihiin” ayuu ku warramay taliyaha Socdallka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Gen. Gaafoow.
Taliyaha ayaa sheegay in baasaboorka cusub ee dalka uu ku socdaali karo cid kasta oo haysta, wuxuuna sheegay in dhawaan laga heli doono dhamaan safaaradha ay Soomaalidu ku leedahay caalamka.
allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s