xaflad balaaran oo ay soo agaansintay wasaarada wax barashada ee dalka malaysia oo ka dhacday jaamacada utm (university technology malaysia ayaa waxaa jaa,iso iyo shahaado sharafeed lagu gudoonsiiyey guulaysayaashii tartan qarameedkan ee online ka ah national online quizes guulaystayaashaa hadaba waxaa ka mid ahaa arday soomaaliyeed oo ka soo jeeda deegaanada casayrland ayaa kaalmaha ugu horeeya ka galay tartankaas magaca ardaygaan waa abdijibaar nuur ahmed (nuur afduub)
abdijibaar nuur afduub oo gudoomiyaha abaal marinta la siiyey
tartankaan oo u furan dhamaan ardayda dhigata jaamacadaha dalka malaysia ayaa waxaa la qabtaa sanadkii labo jeer isku duwaha guud ee wasaarada waxbarashada dalka malaysia oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in tartankani uu ka mid yahay mashaariicda ugu doorka waawayn ee ay wasaaradu ugu tala gashay inay ku kobciso maktabadaha cilmiyeed ee ardayda malaysia wax ka barata gaar ahaan xirfadahooda luqada englishka ah tartankaan oo ay ka qaybgaleen arday tiradoodu dhantahay 500,000 ayaa ardaygan u dhashay deegaanada casayrland uu muujiyey dadaal dheeraad ah ka dib markuu ku guulaystay labadii tartan ee ugu dambeeyey ardaygan ree casayrland waxa uu nasiib u helay inuu ka mid noqdo 63 arday ee ku guulaysatay tartarkaan
waxaan dhihi karnaa waxa uu muujiyey dadaal dheeraad ah hadaba wepka all casayr iyo urur ay ku midaysanyihiin dhalinta reer casayrland oo markii la soo gaabiyo loo yaqaan (casayrland youth union ) ayaa dhowaanahaan ku jiray inay tirakoobaan oo ay isku keenaan dadka reer casayrland ee iyaga qurbaha ku nool si xiriir u dhex maro kuwa dalka jooga iyo kuwa dibadaha sidoo kale waxa ay inta badan soo tira koobeen ardayda reer casayrland ee iyaga jaamacadaha ka dhigta wadanka malaysia , ugandha, masar, sudan, india, pakistan iyo wadama kale hawshaan loo lagu tilmaami karo guul ay ka miro dhaliyeen dhalinyarada reer casayrland oo iyaga isbuucii hal mar ku kulma barta internetka ee (casayrlandchat.ning.com) iyaga oo gudoon sare samaystay ee hogaamiya dhalinta kana shaqeeya horumarka iyo isku Xirka dhalinta casayrland meel walba oo ay ku nool yihiin.
Eng.Cabdala Maxamed Maxamud
allcasayr.com
Pingback: BRAND NEW LIST!!! What do you think? | Tanit Internet World