Taliyaha ciidamada deegaanada casayrland gashaanle sare Mohamed Hirsi Cumar Samatar oo maanta saldhigyo ciidamo cusub ka furay qaybo ka mid ah magaalooyinka deegaanada casayrland

Wararka naga soo gaaraaya xarunta deegaanada casayrland Caluula ayaa sheegaaya in maanta uu taliyaha ciidamada deegaanada casayrland gashaanle sare  Mohamed Hirsi Cumar Samatar  uu xiriga ka jaray laba saldhig ciidan oo laga hirgaliyay magaalooyinka Dhuurbo iyo Murcanyo

Furitaanka saldhigyadaan cusub ayaa ka mid ah qorshe uu horay uga bilaabay deeganaada casayrland gashaanlahu  oo lagu balaarinaayo ciidamada deeganada casayrland iyo sidi ay dhamaan magaalooyinka casayrland saldhigyo ciidan uga hirgali lahaayeen  horaantii sanadkaan ayay ahayd markii xariga laga jaray  saldhiga wayn  ee ciidamada badda ee deeganaada casayrland ee ku yaala magaalada Tooxin oo ah meel 1km dhanka bari ka xigta halka loo yaqaano raasi casayr oo ah meesha ay ku kala qaybsamaan labada badood ee redsea iyo indian ocean

Waxaa ku weheliyay furitaanka saldhigyadaan gashaanlaha col , C/qaadir Xasan Siciid (col Madaxyar) Taliyaha ciidanka poliska deegaanada casayrland iyo taliyaha ciidamada badda gashaanle dhexe Cusmaan Haloosi  iyo saraakiil kale oo ka socda laamaha kala duwan ee amniga.

Dadka ku dhaqan deegaanadaas ayaa si aada u soo dhoweeyay saldhigyadaan cusub ee laga hirgaliyay magaalooyinka ay ku dhaqan  yihiin aadna ugu mahad celiyay saraakiishi hawshaan hirgalisay   xafladi furitaanka ayaa ku soo gabagabawday si heer sare ah .

Idiris Makiinad Dooxajoog

dooxajog5@hotmail.com

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s