Cuqaashaku dhaqan Magaalada baargaal oo ka tirsan deegaanada casayrland ayaa baaq nabadeed u diraya Kooxaha ku dagaalamaya koonfurta somalia

Shir ay maanta isugu yimaadeeg cuqaahsa ku dhaqan dagmada baargaal ayaa baaq nabadeed u diray kooxaha ku dagaalamaya koonfurta soomaaliya waxa ayna yirahdeen waxgaradki halkaas isugu yimi

waxaan ugu baaqaynaa  DFG iyo kooxaha ka soo horjeeda in ay joojiyaan dagaalada ay ka wadaan koonfurta somalia si shuruud la.aan ah  isuguna yimaadaana miiska wada hadalka  eegaana shacabka somaaliyeed ee mudada 20ka sano ah ay soo ragaadiyeen dagaalada sokeeya 

waxaa ka mid ahaa nabadoonadi kulankaas joogay nabadoon Axmed Salaad C/raxmaan waxaana ka mid ahaa hadaladiisi

“waxaan u sheegayaa kooxahaas  in loo baahan yahay in xal kale la raadiyo oo dagaalka iyo waxyaabaha la isku haysto laga tanasulo si loogu gudbo in xal lawada gaaro waxa uuna sheegay in dagaal waxba lugu keenayn dhibaata mooyane War xabada dadka ha laga daayo war joojiya dagaalka Umadda Soomaliyeed dagaal waa ay ka daashay uma baahna xiligaan dagaal war dagaalka daaya oo ilaah ka baqa”

waxaa kale oo ay odayaashu ugu baaqeen shacab waynaha soomaaliyeed in ay iska daayaan waxyaabaha nabada caqabada ku ah sida qabiilka oo aan oran karo waa kan halkaas ina dhigay dad aan waxgarad ahaynina ay huriyeen  waxaan nahay dad muslimiin ah waa in diinteena sharafta badan aan u hogansanaanaa xumaantana aan iska dayneena kana tashanaa danheena

Gabagabadii ayay odayaashu u duceeyeen in umada soomaaliyeed illah burcad bogooda isu mariyo tubta wanaagsana solonsiiyo gadaalna ay u soo noqoto qaranimadi luntay.

Abdalle Mohamed Mahamud

dorogbo5@hotmail.com

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s