Ururka Dhalinyarada Casayrland Youth Union oo Kulan Ku Yeeshay Magaalada Bosaaso(Daawo Sawiro).

Inta aanan u guda galin kulanki balaaraa ee ka dhacay xafiiska ururka dhalinyarada deegaanada casayrland ee ku yaal magaalada bosaso waxaan rabaa in aan in yar ka xuso ururka.

Ururkaan waxaa la aasaasay tariikhdu markay ahayd 20/11/09 waxaana halkaas lagu sameeyay xubno masuul ka ah ururka

Astaanta ururka waa

Waxa uuna ururku qabtay arimo badan oo aan ka xusi karo isku xirka jaaliyadaha ka soo jeeda deegaanada casayrland ee ku dhaqan daafaha caalamka wax qabashadiisa iyo inta uu jiray aya marka la isu fiiriyo la oran karaa waa ku guulaystay hawlihii loo igmaday.

Aan ku dhaadhaco kulankii ka dhacay xafiiska uu ururku ku lee yahay magaalada bosaso iyo wixi ka soo baxay

Taariikhdu markii ay ahayd 20-04-2010 waxaa kulan yeeshay dhalinyarada ururka CYU ee jooga Bosaaso iyo masuuliyiinta bulshada sida isimada iyo aqoonyahanada iyo waxgarad kale kuwaasoo ku lafagurayay hawlo fara badan oo horyaala ururka iyo sidii ay hore ugu amba qaadilahaa loona wajihilahaa xaajadu meesha ay jirto iyo sidii looga mira dhalinlahaa hadafyada aynu higsanayno.

Kulankaas waxaa ka soo qaybgalay xubnaha ugu sareeya ururka oo uu  shi rguddoominayay Guddoomiyaha ururka Mr Cirro qaybta somalia waxaana ku wehiliyay madaxda dhaqanka oo loo bandhigayay sidii ay taageero lixaad leh uga gaynsanlahaayeen kor uqaadinda iyo soocelintii kaalintii luntay ee bulshada iyo deegankaba.

Waxaana kamid ahaa ka soo qaybgalayaashii Suldaan Cumar jaamac oo isagu had iyo jeer u taagan taageridda dhalinyarada iyo horumarinta afkaarta cusub ee soo burqanaysa iyo Abwaan idiris Saalax bari oo isagu hadalkiisii ku qaatay gabay uu ku baraarujinayay dhalinyarada inay soo ceshadaan dhacsadaana waxa ay haystaan iyo waxa kamaqan waxayna soo saareen qodobo dhawr ah .

Waxaa ka mid ahaa qodobadi laga soo saaray kulankaas

  • In ururku uu ka hawl galo dhamaan deegaanada casayrland korna loo qaado tayadiisa
  • In ururku uu dardar galiyo hawlihiisa shaqo ee ku aadan kor u qaadida arimaha bulshada sida ,caafimaadka , waxbarashada , bilicda deegaanada casayrland
  • In uu  ururku wacyi galiyo dhamaan bulsho waynta ku dhaqan deegaanada casayrland
  • waxaan u soo jeedinayanaa dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan daafaha caalamka ee ka soo jeeda deegaanada casayrland in taageero buuxda oo dhinackastaba ah la siiyo ururka laguna taagero hawlaha uu u hayo bulshada ee ururku uu u hawl galo .

waxaa kaleeto oo ay si wada jira u soo saareen dhamaan xubnihii halkaas isugu yimi cambaarayn ay cambaaraynayaa hawl galkii ay ka fuliyeen ciidamada pland magaalada baargaal oo ay u arkeen dhamaan inti kulankaas isugu timi inuu ahaa hawl galkaas mid gardaro ah oo lagu bartilmaamaysanaayo qaybo ka mida deegaanada casayrland

Gabagabadii kulanka waxaa ka dhacday ismarxabayn iyo in loo riyaaqo dhalinta dibadda sida ay isugu xiranyihiin iyo hawlaha aywadaan inuu ilaahay ku garab galo anana tawfiiqda nawaafajiyo.

Faatax Shire Cismaan

Bosaaso-Somalia

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s