Shan ka mid ah Shaqaalihii Fuundiyaasha dayactiray Gurigii Umada oo la gowracay

Dadka ku dhaqan degmada Yaaqshiid ayaa saaka arkay meydka shan ruux oo la gowracay, kuwaasoo lagu soo dhigay meel u dhow Qabuuraha Barakaat ee Jidka Warshadaha.
Sida ay sheegayaan wararka dadkan ayaa ka mid ahaa shaqaalaha loo yaqaano Fuundiga, kuwaasoo dayactiray Gurigii Umada oo lagu wado in ay xarun u noqoto Baarlamaanka Soomaaliya.

Wakaalada Wararka ee Reuters oo soo xiganeysay dad goob joogayaal ah ayaa sheegtay in dadka la gowracay shalay gelinkii dambe, kuwaasoo hal god la isugu geeyay, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ay arkeen lugahooda oo ka muuqda godka.

Lama oga ilaa iyo hada cida dishay, hase ahaatee waxaa jira tuhun ku aadan dilkeen iyo sida lagu qabto, inkastoo dadka deegaanka ay sheegeen in raggan oo ahaa Fuundiyaal ay soo dhameysteen howshooda, kadibna la qabtay.

Ma jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya oo ku aadan dilkan wadarta ah ee lagu fuliyay raggii dayactiray xaruntii Golaha Shacabka oo kalfadhi ugu furmi doono maalmaha soo socda Baarlamaanka Soomaaliya.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s