Madaxweyne Rayaale Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Socdaal Ugu Kicitimay Dalalka Jabuuti, Itoobiya Iyo Faransiiska

Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo wefti uu Hoggaaminayo ayaa saaka u kicitimay dalka Jabuuti, halkaasi oo uu uga sii gudbi doono dalalka Itoobiya iyo Faransiiska.

Wefdiga Madaxweynaha waxa kale oo xubno ka ah Marwada Koowaad ee Madaxweynaha, Marwo Hudda Barkhad Aadan, Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Mudane Cali Maxamuud Axmed (Cali- Sandulle), Maareeyaha Dekedda Berbera, Eng Cali Xoor-xoor iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha, Mudane Axmed Maxamed Ciise.

Waxa Madaarka ku sii sagootiyay wefdiga Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiiro, Xildhibaano iyo dadweyne kale.

Socdaalka Madaxweynaha ee uu ugu kicitimay dalalka Jabuuti, Itoobiya Iyo Faransiiska ayaan wax tafaasiil ah laga bixin.

Hadhwanaagnews.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s