Gudoonka Barlamaanka Soomaaliya oo ku dhawaaqay in dib loo dhigay kalfadhigii Barlamaanka oo maanta qabsoomi lahaa.

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Shaaca ka qaaday in uu dib u dhac ku yimid Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ee maanta lagu waday in uu ka furmo xarunta golaha Shacbiga Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho.Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof.Maxamed Cumar Dalxa  ayaa sheegay in Xafiiska Guddoonka Baarlamaanka looga dhawaaqay in dib loo dhigay Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya Islamrkasna ay arintaasi ka dambeysay, kadib markii ay Hay’adaha Nabadgelyada Qaranka talo ahaan u soo jeediyeen in dib loo dhigo maadaama ay Masuul ka yihiin xaqiijinta nabadgelyada Goobta Shirka iyo Dhaqdhaqaaqa Xildhibaannada, Guddoomiye ku xigeenka ayaa intaasi ku daray in ay Masuuliyiin ka tirsan Hay’adaha Nabadgelyada la kulmeen Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo ay u gudbiyeen taladooda, isagoo hoosta ka xariiqay in Shacbiga Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay daneeyaan fadhiyada golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dhawaan ayey aheyd Markii uu Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sh. Aadan Maxamed Nuur Madoobe ku dhawaaqay in uu Kulan weynaha Baarlamaanka Soomaaliya uu qabsoomi lahaa 22-ka April oo ku beegan Maanta oo Khamiis ah, hase ahaatee waxaa Kulankaasi loo baajiyay sababo la xiriira dhinaca nabadgelyada, waxaana jira dhowr jeer oo hore oo uu dib u dhac ku yimid kalfadhiyada Baarlamaanka Soomaliya,  taas oo ay sababaha ugu waaweyn ee dib u dhaca ku keenay ay tahay inuusan soo Dhammeystirmin kooramkii loogu talo galay inuu ku furmo Shir weynaha  Baarlamaanka Soomaaliya.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s