Taliyaha Kuxigeenka Ciidanka Policka Puntland G/S Cumar Salax Canjeex ayaa ka warbixiyay 5nin oo Gudiga Amniga iyo hay’adaha Nabadgeliyada ay ka soo Qabteen Magaalooyinka Puntland

Gudoomiyaha Gudiga Amaanka Ahna taliye ku xigeenka ciidamada Police-ka Puntland oo saaka saxaafada kula hadlay Aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa waxaa uu ka warbixiyay 5nin oo gudiga Amniga iyo hay’adaha Nabadgeliyada ay ka soo qabteen magaalooyinka Puntland oo lagu eedeeyay in ka dambeeyeen qaraxyo iyo dilal ka dhacay Magaalooyin ku yaala gobolada Konfurta dalka iyo Puntland.

Cumar Saalax Canjeex taliye ku xigeenka ciidanka Police-ka Puntland ayaa waxaa uu tilmaamay in nimankaan uu si rasmi ah baaritaankoodu u bilowday islamarkaana Maxkamad la soo taagi doono .

Taliyuhu waxaa kale oo uu sheegay in nimankan ay ka dambeeyaan dilalka iyo qaraxyadaasi lagu soo eedeeyay lana sootaagi doono maxkamad ku qaada dembiyada ay geysteen .

Waxaa uu intaasi raaciyay sarkaalkan ka tirsan Ciidanka Police-ka Puntland in arintani ay tahay mid bilow ah loona baahanyahay marka ay soo dhamaato in warbixin dhameystiran la siiyo saxaafada.

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s