Guudoomiyaha Barlamaanka oo maanta Booqday Xarunta golaha Shacbiga Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta kormeer ku tagay Xarunta Golaha Shacbiga Soomaaliyeed kadib markii Howlihii Dib u dayactirka xaruntaasi la soo gebogebeeyay Maalintii Shalay.
Sheekh Aaden Maxamed Nuur Madoobe Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Kormeer ku tagay Xarunta Golaha Shacbiga Soomaaliyeed, isagoo soo booqday qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Xaruntaasi, waxa uuna guddoomiyuhu tagay Hoolkii loo diyaariyay inay ku shiraan Xildhibaannada Barlamaanka Soomaaliya iyo Qeybaha kale ee Xaruntaasi.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh. Aaden Maxamed Nuur Madoobe oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Golaha Shacbiga Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Booqashada uu maanta ku tagay Xarunta golaha Shacbiga islamarkaasna ay ujeedadiisa tahay in uu soo kormeero xarunta ka hor inta aysan Maalinta berito ka bilaabaan fadhiyada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in tallaabo wanaagsan ay tahay in la dhiso xarunta golaha Shacbiga isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in lagu sii fidiyo dayactirka xarumaha kale ee loogu adeegayo qaranka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sh. Aaden Maxamed Nuur Madoobe oo ay saxaafaddu wax ka weydiisay wararka ku aadan in Xilkiisa uu ka dhamaaday ayuu sheegay in arrintaasi ay tahay mid baloomiko Siyaasadeed ah oo la abuuray,  laguna  doonayo in lagu dumiyo qaranka Soomaaliyeed, isagoo xusay in guddoonka uu  dhacayo haddii uu xilkiisa gudan waayo oo keliya.
Sh. Aaden Maxmed Nuur Madoobe ayaa tilmaamay in ay Dhammaadka Waqtiga Xilkiisa uu ku dhacayo qaab Sharci ah islamarkasna uu diyaar u yahay badbaadada dadka iyo qaranka Soomaaliyeed.
Sh. Aadan madoobe ayaa tilmaamay in aan lagu murmi karin wax sharci ah laakin loo baahan yahay in xaqiiqada la sheego, lana qiimeeyo waxa dalka ka jira iyo marxaladda xasaasiga ah ee dalku marayo.
allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a comment